Taliska Ciidanka Jabuuti Oo Qalab Kala Duwan Ugu Deeqay Beeraleyda Gobolka Hiiraan+SAWIRRO
Munaasabada agabkan lagu soo bandhig ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidammada Jabuuti oo sheegay in agabkan loogu talagalay in looga faa'ideeyo beeraleyda si sare loogu qaado wax soo saarka beeraha.
Taliyaha ciidammada Jabuuti Col Cismaan Dubad oo goob joog ka ahaa wareejinta agabka ayaa sheegay in muhiimada ama ujeedada laga leeyahay tahay siddii loo dhiiri-gali lahaa beeraleyda gobolka loona kordhiyo wax soo saarka oo muhiim u ah marka la eego kobaca dhaqaalle ee dalka kasta.
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xassan Afrax ayaa sheegay in qalabkan lagu wareejiyay beeraleyda ka kooban yihii matooro labo cagaf-cagaf oo ah kuwa beeraha lagu qado iyo agab kale oo dhamaantood marka la eego muhiim u ah wax soo saarka beeraha.
Deeqdan ayeey ku soo beegeen taliska ciidammada Jabuuti dabaal-daga 27-ka Juun oo ku beegan 38 sanno guuradii ka soo wareegtay markii Jabuuti ay xuriyadeeda ka qaadatay gumeystihii Faransiiska oo ay siweyn ugu dabaal-dageen ciidammada Jabuuti ee ku sugan magaalada Beledweyne.
Ayaanle Xasan Saleebaan
Afkahscaabka Beledweyne/Office Soamlia
Taliska Ciidanka Jabuuti Oo Qalab Kala Duwan Ugu Deeqay Beeraleyda Gobolka Hiiraan+SAWIRRO
Taliska ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM ayaa magaalada Beledweyne, waxaa ay agab wax weyn ka taraya wax soo saarka beeraha ku wareejiyeen beeraleyda gobolka Hiiraan.