Faysal Ali Waraabe oo Mucaaradadiisi Xukumadda uleexiyey Guurtida, Dhaliilihi ugu adkaana u jeediyey Golahaas

0
Monday June 29, 2015 - 09:54:07 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Ali Waraabe oo Mucaaradadiisi Xukumadda uleexiyey Guurtida, Dhaliilihi ugu adkaana u jeediyey Golahaas

    Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa si weyn u dhaliilay Golaha Guurtida, waxana uu ku tilmaamay qaar aan u qalmin inay kuraastaas kusii fadhiyaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa si weyn u dhaliilay Golaha Guurtida, waxana uu ku tilmaamay qaar aan u qalmin inay kuraastaas kusii fadhiyaan.

Faysal Cali-waraabe oo warbaahinta la Hadlay, ayaa tilmaamay inuu wax ixtiraam ah u haynin Golahaas, waxana uu ku tilmaamay Gole dhaxaltooyo isku rigay,"Guurtidu agtayda waxba kama aha, waayo sharci kuma fadhiyaan, waana dad is dhaxdhaxlay” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Faysal oo Hadalkiisa sii wata, ayaa ku taliyey in baahi weyn loo qabo shir dambe oo beelaha somaliland iskugu yimaadaan, isku weydiiyaan wax aka qaldan, waxana uu yidhi,

"Umaddani mustaqbal bay u baahan tahay, Beelaha oo dhammi mar dambe intay isu yimaaddaan ha yidhaahdaan Halkii baynu wali taagganahaye maxaa ina haysta.”

Waxa uu Guddoomiye Faysal Sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo haatan yahay nin weyn oo ubaahan inuu milge iyo maamuus hoggaanka kaga dhaadhaco, waxana uu usoo jeediyey xubnaha kusii dhiirrelinaya inuu xukunka sii xejisto inay arrimahaas ka waantoobaan, waxana uu yidhi,

"Umaddani way soo dhabar adaygeen waana shacbi wanaagsan, laakiin Dawladi ma jirto, madaxweynahanina waa nin oday ah oo nin lagu ciyaaro ma aha, Dee ragga ku shaqaysanaya madaxweynaha ee leh madaxweynuhu hasii joogo waxan leeyahay dee dhallinyaraad tihiine xisbiyada kaalaya gala madaxweynaha wakhtigiisii wuu ka dhammaadaye.”

Faysal cali-waraabe waxa uu walaac ka muujiyey sida aanay xukuumaddu wali jawaab cad uga bixinin Heshiiskii ay dhawaan Axsaabta la gashay, waxana uu madaxweynaha ka codsaday inuu arrinta ka Hadlo oo dalka ka saaro xaaladda shaki ee uu haatan madaxa la galay.



Contact@afkashacabka.com