Kooxda Xiddigaha Geeska oo Warsaxaafadeed ay Madaxweynaha Codsi ugu direen kagana Hadlen Xadhiga Guddomiyahooda ka soo saaray Hargeysa

0
Saturday April 12, 2014 - 16:31:40 in by Super Admin
  • Visits: 1004
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Xiddigaha Geeska oo Warsaxaafadeed ay Madaxweynaha Codsi ugu direen kagana Hadlen Xadhiga Guddomiyahooda ka soo saaray Hargeysa

    Afhayeenka Kooxda Xiddigaha Geeska Maxamed Miyir Cige ahna Muusiishan ka tirsan Kooxda, ayaa War-Saxaafadeed uu arrintaas si faahfaahsan ugaga hadlay soo saaray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka Kooxda Xiddigaha Geeska Maxamed Miyir Cige ahna Muusiishan ka tirsan Kooxda, ayaa War-Saxaafadeed uu arrintaas si faahfaahsan ugaga hadlay soo saaray

Afhayeen u hadlay Fannaaniinta Kooxda Xiddigaha Geeska, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xadhigga Guddoomiyaha Kooxdaas Abwaan Xasan Dhuxul (Laab-saalax) iyo ujeeddada Safarka ay ku tageen magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya oo markii uu ka soo laabtay lagu xidhay garoonka diyaaradaha Cigaal ee Hargeysa oo uu ka soo degay.

Afhayeenka Kooxda Xiddigaha Geeska Maxamed Miyir Cige ahna Muusiishan ka tirsan Kooxda, ayaa War-Saxaafadeed uu arrintaas si faahfaahsan ugaga hadlay caawa ka soo saaray magaalada Hargeysa, qoraalka War-Saxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Berberatoday.com, ayaa u dhignaa sidan:-

"Mudane Madaxwayne: Aniga oo ku hadlaya magaca Fannaaniinta Qaranka,gaar ahaan kooxda  Xidigaha Geeska, waxaan halkan kuugu soo gudbinaynaa cabasho ku waajahan xadhig aanu u aragno in aanu meesha qaban oo lagula kacay xubno ka tirsan Kooxda.

Mudane.Madaxweyne sida la wada ogsoon yahay waxaa xusid mudan kooxda Xidigaha Geesku waa Fanaaniin ku adag wadaniyadooda, Qadiyadooda iyo calankoodaba marka laga hadlayo mabda’a madaxbanaanida Somaliland. waxaanay mar kasta ku caan yihiin inay ka qayb qaataan wacyigalinta bulshadooda iyo sidii ay ugu dhiiri galin lahaayeen dhismaha iyo Iskaashigaba.

Waxaana dhacday in Xubno kooxda ka mid ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Kooxda Xassan Saleebaan (Laabsaalax), ay dhawaan socdaal dibadeed u baxeen ka dib markii uu soo baxay qorshe ay doonayeen inay Barnaamij ku geeyaan laba qaaradood oo kalla fog waa Maraykanka iyo Ustareeliya oo badanaa lagu tababaro Fanka Afrika.

Islamarkaana ay innaga immika inoogu horayso. Safarkaasi waxaa ay ku sii mareen Magaaladda Muqdisho ee dalka Soomaaliya oo ay uga sii gudbayeen magaalada Nayroobi ee xarunta dalka Kenya. Balse, waxaa xaalad ka dhan ah Soomaalidu ka dhacday Kenya. Taasina waxa ay qasabtay inay magaaladda Muqdisho ka soo noqdaan.

Iyaddoo  intii ay halkaa joogeena ay ilaaliyeen qiimaha wadanka iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland ee ay magaceedda ku faanayaan, lamina soo helayo, barnaamij ay Muqdisho ku qabteen, cid ay xataa u heeseen ama la galeen wax heshiis ah. Sidaas darteed, mudane Madaxweyne iyo guud ahaan masuuliyiinta ay khusayso waxaanu kaa codsanaynaa in xubnahan xoriyaddooda loo soo celiyo deg-deg. Iyaddoo aanu raali-gelin ka bixinayno haddii ay jirto cid dhibsatay Jidka ay mareen iyo xubnaha qaarkood oo aan waqtiga oo deg-deg ahaa awgeed masuuliyiintoodda wax fasax ah ka qaadanin. Alle ayaa mahadleh.”







Afkashacabka.com

Hargeysa /Office

Contact@afkashacabka.com