Barcelona Oo Maanta U Duuleysa Italy Si Ay U Soo Dhameystirto Saxiixa Paul Pogba, Immisa Ayay Ku Qarashgareynayaan?

0
Wednesday July 01, 2015 - 12:16:37 in by Burco Office
  • Visits: 852
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona Oo Maanta U Duuleysa Italy Si Ay U Soo Dhameystirto Saxiixa Paul Pogba, Immisa Ayay Ku Qarashgareynayaan?

    Alberto Soler oo ah agaasimaha dhanka xiriirada kooxda Barcelona ayaa maanta u safraya Italy si uu u soo xaqiijiso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Juventus Paul Pogba.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alberto Soler oo ah agaasimaha dhanka xiriirada kooxda Barcelona ayaa maanta u safraya Italy si uu u soo xaqiijiso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Juventus Paul Pogba.


Barcelona ayaa hubka ugu weyn ee ay u wadato tartanka saxiixa Pogba waxa ay tahay lacag, Soler ayaana kula biiri doona agaasimaha kale ee kooxda Calatans Ariedo Braida kaasoo durbaba Turin ku sugan si ay uga dhaadhiciyaan kooxda Juventus in Barcelona ay u heyso dalabka ugu fiican.

Sida ay wararka sheegayaan waxaa miiska saaran dalab 80 milyan euro ah oo ay la socdaan lacago dheeri ah oo ku xirnaan doona qaab ciyaareedka ciyaaryahanka. Madaxa kooxda Juventus Guiseppe Marotta ayaa hore u sheegay inuu la kulmi doono rag ka socda Jose Maria Bartomeu oo ah madaxweynihii hore ee Barca haatan u tartamaya jagadaas laakiin waxa uu xusay inuusan haatan la fariisan doonin Joan Laporta oo isna ka mid ah raga u sharaxan jagada madaxtinimada Barcelona.

Inkastoo uusan xiddiga khadka dhexe ee Faransiiska uusan awoodi doonin inuu u ciyaaro Barca ilaa iyo bisha Janaayo madaama ay saaran tahay xayiraad suuqa kala iibsiga ah, kooxda Catalans ayaa la cad qorshaheeda ah inay la soo wareegto xiddig da’ yar oo magac weyn dunida ka leh.

Si kastaba, waxaa diiradooda sidoo kale ku jira xiddiga khadka dhexe ee Atletico Madrid Arda Turan. Sida ay shalayto warisay idaacada Catalunya Radio Barcelona ayaa kala xiriirtay Atletico saxiixa Turan waxaana ay wadahadalada marayaan heer aad u sareeya. Waxaana la filayaa inay saxiixyo dhacaan ka hor inta aan la gaarin waqtiga doorashada madaxtinimada Barcelona.