Ban Ki-moon oo Somalia Ku Hanbalyeeyay Maalinta Xoriyadooda.

0
Thursday July 02, 2015 - 07:45:05 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ban Ki-moon oo Somalia Ku Hanbalyeeyay Maalinta Xoriyadooda.

    Ban Ki-moon ayaa xalay ka qeyb galay Munaasabad loogu dabaal degayey 55-guuraddii ka soo wareegtay Maalinta Xornimada Somalia oo ku beegnayd shalay oo ay bisha Luulyo ahayd kow.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ban Ki-moon ayaa xalay ka qeyb galay Munaasabad loogu dabaal degayey 55-guuraddii ka soo wareegtay Maalinta Xornimada Somalia oo ku beegnayd shalay oo ay bisha Luulyo ahayd kow.


Munaasabadaasi oo ay soo qabanqaabiyeen Diplomaasiyiinta Safaaradda Somalia u joogta QM ayaa lagu qabtay magaalladda New York, waxaana ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin iyo Jaalliyadda Soomaaliya ee ku nool Maraykanka.

banki

Ban Ki-moon waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka qeyb galo Munaasabadda, wuxuuna sheegay inuu Ummadda Soomaaliya la qeybsanayo Farxadda Maalinta Qaranimadda Somalia.
Ban Ki-moon waxa kaloo uu ka hadlay Safarkii uu Somalia ku yimid sannadkii hore, wuxuuna sheegay inay Somalia dib ugu soo laabanayso Horumarka, Nabadda iyo Deganaanshaha.
Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay ayaa ugu hambalyeeyey Ummadda iyo Dowladda Somalia munaasabadda sannad-guuradda 55-aad ee Maalinta Xorriyadda Somalia.
Nicholas Kay waxa uu Ummadda Soomaaliya ugu hambalyeeyey Munaasibadan.