"Qur'aanka Allaa Sharfay , Ardayda Laabta Ku Xafidayna In La Sharfo Qaran Ahaan Waa Inoo Sharaf" Wasiir Xirsi

0
Thursday July 02, 2015 - 08:10:20 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Qur'aanka Allaa Sharfay , Ardayda Laabta Ku Xafidayna In La Sharfo Qaran Ahaan Waa Inoo Sharaf" Wasiir Xirsi

    Wasiirka oo qoraal kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay Shebekedda Xidhiidhka Bulshada ee Facebook-ga ayaa kaga dareen celiyey abaalmarinti madaxweynuhu siiyey xufaaddi tartanka quranka kaalmaha hore ka gashay waxaana uu qoraalkiisa ku yidhi sidan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka oo qoraal kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay Shebekedda Xidhiidhka Bulshada ee Facebook-ga ayaa kaga dareen celiyey abaalmarinti madaxweynuhu siiyey xufaaddi tartanka quranka kaalmaha hore ka gashay waxaana uu qoraalkiisa ku yidhi sidan:

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay sharafta ay mudan yihiin ardayda xafiday quraanka kariimka ah maadaama ay laabtooda ku xafideen quraankii Ilaahay sharfay.

Wasiirka ayaa hambalyo iyo duco isugu daray ardaydii ka qaybgashay tartankii Quraakna Kareemka ah ee shalay lagu soo gabagabaeeyey Masjidka Cali Matan. 

Wasiirka oo qoraal kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay Shebekedda Xidhiidhka Bulshada ee Facebook-ga ayaa waxa uu qoraalkiisa ku yidhi sidan:

 

1900042_909824899090839_6428528463846082797_n

Qur’aanka Allaa Sharfay , ardayda Laabta ku Xafidayna in la Sharfo Qaran ahaan waa inoo Sharaf

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Waxaa shalay kulan maamuusid iyo dhiirigelin isugu jira Madaxweynaha JSL uu ugu sameeyey ardayda kaalimaha hore ka gashay tartankii Qura’anka Kariimka ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan ka socday Masjidka Cali Mataan ee Caasimada Hargeysa

Waxaa xaqiiq ah in Qur’aanku yahay iftiin halka Alle inooga yimid isla markaana mudan yahay in la wayneeyo cid walba oo Qur’anka ku abtirsatana "Ehlu Qur’aan” la sharfo lana maamuuso.

Waxaan duco iyo hambalyo u diraya ardayda, waalidkooda iyo Macalimiintii dedaalka faraha badan geliyeyba waxaanan uugu bushaaraynayaa wixii Alle u balan qaaday oo ah in Alle maalinta Qiyaamaha TAAJ iftiin badan guudkooda saari doono isla markaana cid walba qalbiga ka jeclaysan doonto in Ubadkooda ay Qur’anka Illaahay Xafidsiin lahayeen.

Allaha Sharfo waa dad Sharaf badane .

Wa Bilaahi Tawfiiq