Xildhibaan Xasan Cawaale Oo Dhaawac U Yaala Cusbitaalka Hargeysa Ka Dib Markii Ay Garaaceen Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Iyo Askarta Ilaalada U Ah Waran-Cadde

0
Thursday July 02, 2015 - 13:58:34 in by Burco Office
  • Visits: 681
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Xasan Cawaale Oo Dhaawac U Yaala Cusbitaalka Hargeysa Ka Dib Markii Ay Garaaceen Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Iyo Askarta Ilaalada U Ah Waran-Cadde

    Xildhibaan Xasan Cawaale Oo Dhaawac U Yaala Cusbitaalka Hargeysa Ka Dib Markii Ay Garaaceen Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Iyo Askarta Ilaalada U Ah Waran-Cadde

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Xasan Cawaale Oo Dhaawac U Yaala Cusbitaalka Hargeysa Ka Dib Markii Ay Garaaceen Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Iyo Askarta Ilaalada U Ah Waran-Cadde
Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka mid ah mudaneyaasha aqalka golaha wakiilada Somaliland ee xisbiga kulmiye lagana soo doortay gobolka gabilay, ayaa sheegay in madaxtooyada dhexdeeda lagu gacan saaray oo uu ugu gacan qaaday taliyaha ciidanka ilaalada madaxtooyada somnaliland, waxaanuu sidoo kale xildhabaanku sheegay in uu wasiirka arrimaha guduhu taagnaa goobta uu loogu gacan qaaday.
Xildhibaan xasan cwaale caynaan oo aanu ku booqanay cisbitaalka guud ee ahargeysa, gar ahaan qaybta emecganciga oo markaasi lagu baadhayey dhwaaca ka soo gaadhay garaacis uu sheegay inay ciidanka ilaalada madaxtooyada oo uu hogaaminayo taliyaha ciidankaasi u geysteen, ayaa waxa uu bulsho tv uga waraamay sida ay wax ugu dheceen iyo sababta keentay madaxtooyada dhexeeda lagu agcan saaro, xildhibaanku waxa uu sidoo kale sheegay mar aanu waydiinay sida ay ula muuqato isaga oo xildhibaan xasaanad huwan ah in gacan loo qaado in ay arrintasi golaha u taallo.
Xildhibaanku waxa uu sheegay inuu dhaawac ka soo gaadhay wadnaha oo uu tilmaamay inuu feedh kaga dhacay, ka dibna ay xaqiijiyeen dhakhaatiirta cisbitaalka guud oo baadhitaan ku sameeyey, waxanay xildhibaanada golaha wakiiladu sheegeen inay arrintaasi ka hawl gelayaan.

Hargeysa Office

Afkashacabka.com