Mareykanka Oo Si Rasmi Ah U Dalbaday In Loo Soo Gudbiyo Todobadii Nin Ee FIFA Ka Tirsanaa Ee Lagu Xidhay Switzerland.

0
Thursday July 02, 2015 - 14:46:36 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Si Rasmi Ah U Dalbaday In Loo Soo Gudbiyo Todobadii Nin Ee FIFA Ka Tirsanaa Ee Lagu Xidhay Switzerland.

    Dowlada Mareykanka ayaa weydiisatay maamulka Switzerland inay u soo gudbiyeen todobadii nin ee ka tirsanaa madaxda FIFA ee lagu xiray magaalada Zurich bishii May, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay xafiiska cadaalada Switzerland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Mareykanka ayaa weydiisatay maamulka Switzerland inay u soo gudbiyeen todobadii nin ee ka tirsanaa madaxda FIFA ee lagu xiray magaalada Zurich bishii May, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay xafiiska cadaalada Switzerland.


Lix ka mid ah todoba oo uu ku jiro madaxweyne ku xigeen FIFA iyo madaxii hore ee xiriirka CONCACAF Jeffrey Webb ayaa lagu xiray howlgal ay ciidamada boliiska Switzerland ka sameeyeen hotel ku yaala magaalada Zurich maalmo ka hor intii aan la qabanin doorashadii madaxtinimada FIFA.

Xalayto Mareykanka ayaa si rasmi ah u codsaday in loo soo gudbiyo todoba nin ee ku xiran Switzerland, inkastoo muddo dheer ay qaadan karto inay taasi dhacdo madaama raga xiran ay racfaan ka qaadan karaan go’aan kasta oo loogu dhiibayo Mareykanka.

Raga xiran ayaa loo heystaa inay qaateen laaluus 100 milyan doolar ah, iyadoo waaxda cadaalada Mareykanka ay amar ku bixisay in la soo xiro 18 nin oo ka tirsan ama ka tirsanaa madaxda FIFA oo qeyb ka ahaa baaritaanka lacag lunsiga iyo laaluush qaadashada ururka ugu sareeya kubada cagta caalamka.


Contact@afkashaacbka.com