Daawo:Wasiirka Qorshaynta Qaranka oo Bookhday Mashaariic Beero iyo Riigag Biyood isugu jira oo Hay'adda EWADA ka hirgelisay Degaano udhexeya Burco iyo sheekh

0
Thursday July 02, 2015 - 15:27:54 in by salman abdi
  • Visits: 844
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Wasiirka Qorshaynta Qaranka oo Bookhday Mashaariic Beero iyo Riigag Biyood isugu jira oo Hay'adda EWADA ka hirgelisay Degaano udhexeya Burco iyo sheekh

    Wasiirka Qorshaynta Qaranka somaliland Dr. Sacada Ali Shire ayaa Bookhday Mashaariic isugu Jira Beero iyo Riigag Hay;ada Waddaniga ah ee EWADA ka hirgelisay Duleedka Waqooyi ee Magaalada Burco,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Qorshaynta Qaranka somaliland Dr. Sacada Ali Shire ayaa Bookhday Mashaariic isugu Jira Beero iyo Riigag Hay;ada Waddaniga ah ee EWADA ka hirgelisay Duleedka Waqooyi ee Magaalada Burco,
Mashaariicdan oo ka mid ah Mashaariicda Waxtarka leh ee Hay'addani ka fulisay Dalka ayuu wasiirku guud ahaanba Kormeer indho indhayn ah ku sameeyey iyadoo uu Warbixin ku saabsan Mashaariicdan ka dhegaystay Guddomiyaha Hay'adda EWADA sh, adan hassan siciid.

Guddomiyaha ayaa sharraxay muhiimadda wax soo saarku leeyahay, iyo sida uu dhulkani ahaa wakhtigii aanu beerin, waxanu Bulshada farta ugu fiiqay
faaidooyink ganacsi ee bulsho ahaan dalka iyo dadkaba u leeyahay wax soosaarku.

Wasiirka ayaa isna Dhinciisa aad ugu bogaadiyey Hay'adda EWADA mashaariicdan waxtarka leh ee Dadka iyo Dalkaba Qiimaha weyn
ugu fadhida, waxanu ku dhiirigeliyey Bulshada Somaliland inay ku daydaan oo mashaariicda noocan ah gaar ahaan beeraha iyo
waxsoosaarka dalka aad uga hawlgalaan uguna dhiiradaan, si bu yidhi dalkeenu isku filnaasho dhinac walba ah u gaadho






Contact@afkashacabka.com