Suldaan Xuseen X. Cabdi Oo Bogaadiyay Dib U Doorashadda Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoonbiya

0
Thursday July 02, 2015 - 15:21:34 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Xuseen X. Cabdi Oo Bogaadiyay Dib U Doorashadda Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoonbiya

    Hargeysa(AFKA)Suldaan Xuseen X. Cabdi Cabdilaahi ayaa bogaadiyay Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar oo Baarlamaanka dawlad deegaanku ay dib ugu doorteen markii labaad shanta sannadood ee fooda innagu soo haysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA)Suldaan Xuseen X. Cabdi Cabdilaahi ayaa bogaadiyay Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamed Cumar oo Baarlamaanka dawlad deegaanku ay dib ugu doorteen markii labaad shanta sannadood ee fooda innagu soo haysa. Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi waxa uu sidan ku sheegay qoraal uu na soo gaadh siiyay oo u qornaa sidan:- "Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Md. Maxamed Cabdi Cumar, oo baarlamaanka dawlad deegaanka Soomaalidu ay cod aqlabiyad ah markii labaad ugu doorteen Madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar, oo ay ku qanceen waxqabadkiisii shantii sannadood ee la soo dhaafay isla markaana ay garwaaqsadeen in loo baahan yahay inaan la kala jarin himilooyinka horumarineed ee deegaanka Soomaalida Itoobiya hawaysanayo. Waxaan leeyahay Madaxweyne waxaan rajaynayaa in dib u doorashadaadu ay fursad u noqoto inaad ka sii jibo keento horumarkii iyo wax-qabadka balaadhan ee aad hore deegaanka uga fulisay. Waxa aan doorashadaada u fahmay in ay tahay rabitaanka bulshadda oo doortay inay horumarkooda ka fikiraan. Waxaan rajaynayaa in mashaariicdii waaweynaa ee iskugu jiray horumarinta adeegyadda daruuriga ah sida waxbarashadda, caafimaadka, biyaha iyo kaabeyaasha dhaqaale aad wax weyn oo kale ku dari doonto. Waxaan kuu rajaynaynaa in EEBE kugu asturo xilkaas culus ee aad u qaaday ummadaada.”


Contact@afkashacabka.com