Qiimaha Tikidhada Finalka Copa America Oo Cirka Isku Shareeray, 25 Kun Doolar Ayaa La Iibinayaa Suuqa Madow.

0
Saturday July 04, 2015 - 11:49:24 in by Burco Office
  • Visits: 862
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiimaha Tikidhada Finalka Copa America Oo Cirka Isku Shareeray, 25 Kun Doolar Ayaa La Iibinayaa Suuqa Madow.

    Santiago.(AFKA)Waxaa baadigood loogu jiraa tikidhka dahabiga ee lagu daawan lahaa kulanka caawa ee finalka Copa America ee ka dhici doona Estadio Nacional ee caasimada dalka Chile ee Santiago.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Santiago.(AFKA)Waxaa baadigood loogu jiraa tikidhka dahabiga ee lagu daawan lahaa kulanka caawa ee finalka Copa America ee ka dhici doona Estadio Nacional ee caasimada dalka Chile ee Santiago.



Tan iyo markii Chile ay gaartay semi-finalka Koobkii Adduunka ee ay martigeliyeen 1962dii ma jirin xamaasad iyo xiiso badan oo ay qabeen taageerayaasha xulka Chile oo aan ka aheyn kulanka caawa la sugi la’ yahay ee finalka Copa America.

Sida ay dadka u doonayaan inay u daawadaan kulankaan ayaa gaarsiiyay in tikidhada suuqa madow la iibiyo ilaa iyo 25 kun doolar, waana in ka badan 625 jeer qiimihii hore ee tikidhada ciyaarta caawa, waana sida lagu gadayo website ticketbis.


Chile ayaa raadineysa inay ku guuleysato koobkeedii ugu horeysay ee heer caalami ee muddo 99 sannadood ah halka Argentina ay doonayaan inay soo gabagabeeyaan 23 sanno oo ay abaar dhanka Copa America heysay, waxaana ay barbareyn doonaan Uruguay haddii ay ku guuleystaan koobka caawa iyagoo noqon doona labada xul ee ugu guulaha badan tartankaan.

Chile ayaa kaliya hal jeer ka badisay taariikhda xulka Argentina kulan tartan rasmi ah waxaana ay aheyd kulankii isreebreebka Koobka Adduunka 2010 ee ka dhacay Santiago, labadii kulan kale ee ay ciyaareen tan iyo markaas waa laga badiyay.

Iyadoo ugaarsi xoogan loogu jiro tikidhada, daafaca xulka Chile Gary Medel ayaa u soo bandhigay taageerayaashiisa Twitter fursad ay ugu guuleysan karaan labo tikidh oo ciyaarta finalka ah.

Waxa uu weydiistay inay u soo gudbiyaan fariimo lagu taageerayo xulka Chile iyagoo isticmaalaya hal ku dhiga #ChileTeQuieroVer (Chile Waxaan Doonayaa Inaan Ku Daawado) labada qof ee ay fariimahooda ugu fiicnaadaan ayuuna dooranayaa.



Afkashacabka/Office
Contact@afkashacabka.com