Rasmi: Radamel Falcao Oo Kooxda Chelsea Ku Biiray Iyo Qaabka Uu Stamford Bridge Ku Joogi Doono

0
Saturday July 04, 2015 - 11:57:52 in by Burco Office
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rasmi: Radamel Falcao Oo Kooxda Chelsea Ku Biiray Iyo Qaabka Uu Stamford Bridge Ku Joogi Doono

    Kooxda Chelsea ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday inay heshiis la gaartay weeraryahanka reer Colombia Radamel Falcao,Waa heshiis la wada filaayay inuu mar un hirgalo madaama mar hore la ogaa in Chelsea ay Falcao qaadan doonto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Chelsea ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday inay heshiis la gaartay weeraryahanka reer Colombia Radamel Falcao,Waa heshiis la wada filaayay inuu mar un hirgalo madaama mar hore la ogaa in Chelsea ay Falcao qaadan doonto.


Laacibkan ayaa qaab amaah ah Chelsea heshiis kula gaaray wuxuuna Stamford Bridge ka hawl gali doonaa xili cayaareedka nagu soo fool leh 2015/16.

Kooxda Monaco oo iska leh milkiyada Falcao ayaa aqbashay inuu xidigan amaah kaga mid noqdo Blues sidoo kalena Monaco iyadana waxaa amaah lagu siiyay laacibka dhalinta yar ee Chelsea iska leedahay Mario Pasalic.

Mario Pasalic oo 20-jir ah una dhashay dalka Croatia ayaa xili cayaareedkii dhawaa amaah kula joogay naadiga Elche ee ka dhisan dalka Spain.

Haatana Chelsea waxay u ogolaatay kooxda Monaco xidigan khadka dhexe ka cayaaro inay hal sano amaah ku heesato.

Falcao ayaa ka hadlay heshiiska uu Chelsea kaga mid noqday wuxuuna yiri "Aadban ugu faraxsanahay inaan Chelsea ku biiri waxaana sugi karin bilaabashada xili cayaareedka cusub”

"Sidoo kale Blues waxaan ka caawin doonaa sidii ay ku difaacan laheyd horyaalka iyo inaan tartanka Yurub guulo wax ku ool leh ka keeno”

29-jirkan ayaa buuxin doono booskii uu baneeyay ruug cadaa Didier Drogba oo dhawaan kooxda Chelsea macsalaameeyay.