Maxaa Ka Dhexeeya Dabeecadka Qofka Magaciisa Xarafka Ugu Horreeya Iyo Qofka Aad Tahay

0
Saturday July 11, 2015 - 17:02:33 in by Burco Office
  • Visits: 1247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Dhexeeya Dabeecadka Qofka Magaciisa Xarafka Ugu Horreeya Iyo Qofka Aad Tahay

    Xarafka Ugu Horreeya Magacaaga Ayaa Sheegaya Dabeecaddaada Iyo Qofka Aad Tahay Halkan Hoose Ka Bogo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarafka Ugu Horreeya Magacaaga Ayaa Sheegaya Dabeecaddaada Iyo Qofka Aad Tahay Halkan Hoose Ka Bogo


Xarafka A:

Xarafka (A) waa xaraf astaan u ah Caqli.. waxa lagu yaqaanaa dhiirani iyo ad-adayg badan marka uu rabo inuu socodsiiyo aragti uu qabo. Waa Qof haddii uu hogaamiye noqdo jecel in uu dunida oo dhan tuso jiritaankiisa iyo awooddiisa. Waxa uu leeyahay Afkaar wanaagsan iyo aragti qiimo leh. Waxa lagu yaqaannaa himilo iyo doonis heer sare ah iyo xamaasad.

Waxa uu jecel yahay shaqada iyo dhaqdhaqaaqa waxa aanu neceb yahay xasiloonida iyo fadhiga. Haddii xarafkani uu mar labaad ku soo noqdo magaca dhexdiisa waxa uu tilmaamayaa hogaamiye geesi ah. Haddii uu mar labaad ku soo noqdo dhamaadka magaca waxa uu tusayaa in qofkani uu yahay qof aan talo iyo waano qaadan. Qof aan jeclayn xitaa in hadalka uu wado laga dhex galo, taas oo macnaheedu yahay keli talisnimo kama madhna.

Xarafka B:

Xarafka ‘B’ waa astaanta caadifadda iyo xamaasadda. Waa astaanta khajilaadda, waxa lagu yaqaanaa feejignaan iyo dareen dheeraan. Waxa uu jecel yahay Quruxda iyo fanka, laakiin badanaaba kelidii ma socdo haddii aanu cid kale ka haysan dhiiri gelin. Qofka magaciisu ku bilowdo xarafkan B waxa lagu yaqaannaa qof jecel is kaashiga iyo in uu dadka wax la qaybsado.

Xarafka C:

Qofka magaciisu ku bilowdo Xarafka C Waxa uu caan ku yahay faanka, waxa uu aad u yaqaanna sida uu naftiisa uga waramo una cabbiro, waxa uu jecel yahay in uu soo jiito dareenka dadka iyo indhahooda, waxa aanu ku dadaalaa in uu qudhiisu dareen kiisa siiyo dadka kale, laakiin qofkani waa qof mar kasta kacsan oo aanu qalbigiisu negeyn. Waa qofk u baahan jacayl dejiya. Haddii uu xarafkani ku soo noqdo magacana waxa ay astaan u tahay in qofkani uu yahay qof maskax furan oo wax cusub dhalin kara. La soco