Xukuumada Somaliland Oo Beenisay Inay Ka Baxday Heshiiskii Lagu Soo Af jarayay Khilaafkii Mudo Kordhinta Ee Ay la Gashay Xisbiyada Mucaaridka .

0
Sunday July 12, 2015 - 16:09:50 in by Burco Office
  • Visits: 655
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Beenisay Inay Ka Baxday Heshiiskii Lagu Soo Af jarayay Khilaafkii Mudo Kordhinta Ee Ay la Gashay Xisbiyada Mucaaridka .

    Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo manta Warbaahinta kula hadlayay xarunta wasaarada arrimaha guddaha ee Magaaladda Hargaysa, ayaa meesha ka saaray inay Xukuumaddu kaga baxday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo manta Warbaahinta kula hadlayay xarunta wasaarada arrimaha guddaha ee Magaaladda Hargaysa, ayaa meesha ka saaray inay Xukuumaddu kaga baxday

Xisbiyadda Mucaaradka ah Heshiiskii ay dhawaan kala saxeexdeen Labadda dhinac eek u aadanaa Khilaafka Muddo-kordhinta Xukuumadda ee ay Golaha Guurtidda Somaliland dhawaan sameeyeen .


waxaana uu sheegay inay Xukuumadda uu ka tirsan yahay ka go’antahay in la gaadho Xal siyaasadeed oo loo dhan yahay,isla markaana ay ka dalbanayaan Mucaaradka inay kala shaqeeyaan sidii Golaha Guurtida ugu qancin lahaayeen sidii ay isu-waafajin lahaayeen Go’aankooda Dastuuriga ah iyo Xalka Siyaasadeed ee laysla gaadhay waxaanu yidhi "

"Waxaanu Maalmo Dhaweed Maqleynay In Asxaabta Mucaaridku Ay Shaki Ka Muujiyeen Iyo Arin Aanu U Arkagno In Ay Jabiyeen Hishiiskii Ay Galeen Waxanan Maqlaayey In La Yidhi 27 Bisha Soo Socota In Aanay Waxba Ka Jirin Waxii Ay Hishiiska Ku Galeen Waxaanan Is Weyniyaa Wax ku Kaliftey Gudoomiyaha Xisbiyada Mucaaridka In Ay Ka Baxaan Hishiiskaasi Madaama Oo Aan Saxeexoodii Aanu Heyno .

Waxaa Kale Oo Been Abuur Laga Sameeyey In Ay Xukuumadu Ka Baxdey Hishiiskii Ay Mucaaridka La Gashay Waxaanan Leeyahay Waxba Kama Jiraan Horena Waxaanu U Cadeynay In Ay Dawladu Diyaar U Tahay wadahadal Oo Aanu Ahyen Arin Laga Noqdey Balse Ay Hawsheedi Sidii Sharci Loogu Dhigi Lahaa Ama Guurtida La Iskula Garan Lahaa Ay Socoto ”ayuu yidhi wasiirku .

Wasiirku waxa uu sidoo kale shirkiisaa Jaraa’id ku sheegay inay Xukuumadda uu ka tirsan yahay ka go’antahay in la gaadho Xal siyaasadeed oo loo dhan yahay,isla markaana ay ka dalbanayaan Mucaaradka inay kala shaqeeyaan sidii Golaha Guurtida ugu qancin lahaayeen sidii ay isu-waafajin lahaayeen Go’aankooda Dastuuriga ah iyo Xalka Siyaasadeed ee laysla gaadhay.
Sidoo kale wasiir warancade ayaa ugu baaqday Xisbiyada Mucaaradka Somaliland inay ka shaqeeyaaan sidii Xisadda Siyaasaddeed ee Dalka ka aloosan lo dajin lahaa,isla markaana is-afgarad loogu dhamayn lahaa muranka ka taagan Xiliga ay rasmi ahaan tahay inay Dalka ka qabsoomaan Doorashooyinka Madaxtooyadda Iyo Wakiiladda waxaanu sheegay in aan marnaba xukuumadu aqbali karin shirka ay mucaaridku ugu yeedheen (Talo Qaran)waxaanu yidhi:-
"Hadii Aynu Nahay Somaliland Hal Mar Beynu Shir Qarameed Ku Qabsaney Magaalada Boorama Waxaana Dalka Masuul Ka Ah Dawladii Lagu Soo Dhisay Maagalada Boorama Halkana Waxaan Ka Cadeynayaa In Aanu Jirin Shir Qarameed Kale Oo Sharci Jideeyey Oo Dalkan Laga Qaban Karo "ayuu yidhi wasiir warancade.
Sikastaba ha ahatee xukuumada uu hogaaminayo madaxwayne siilaanyo iyo golaha wakiilada ee soomaliland ayaa mudo kordhin waafaqsan shuruucda iyo qawaaniinta qarankan u taala waxa u sameeyay golaha awooda u leh ee guurtida ,waxaana ka biyo diiday axsaabta mucaaridka ah ee somaliland.