Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Shacabka ugu Baaqay in ay Sulux ku Dhammaystaan Kiisaska Madaniga ah+Sawiro

0
Sunday July 12, 2015 - 20:12:10 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Shacabka ugu Baaqay in ay Sulux ku Dhammaystaan Kiisaska Madaniga ah+Sawiro

    Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali, ayaa shacabka ugu baaqay in kiisaska muddada dheer soo jiitamaayey ee madaniga ah ay sulux iyo is-afgarad ku dhammaystaan si maxkamadahana iyo garsoorka culayska dacwaduhu uga yaraado, isla

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali, ayaa shacabka ugu baaqay in kiisaska muddada dheer soo jiitamaayey ee madaniga ah ay sulux iyo is-afgarad ku dhammaystaan si maxkamadahana iyo garsoorka culayska dacwaduhu uga yaraado, isla markaana ay meesha uga baxaan dilalkii iyo iska hor imaadka ka dhici fulimaha.


Guddoomiyaha Cusub ee Maxkamadda Sare Prof. Aadan Xaaji Cali oo warbaahinta kula hadlay Maanta xafiiskiisa , ayaa sheegay in kiisas badan oo madani ah uu muddadii uu joogay lagu dhammeeyey is-afgarad, dhinacyadii is khilaafsanaana ay ku qanceen.

" Waxaannu saxaafada ugu yeedhnay in bulshadeena ananu tusno dadka dacwaduhu ka dhexeeyaan inay sulux iyo is-fahan ku dhamaystaan wixii ay isku hayaaan, iyagoo in badan is daba jiitama oo maxkamadahana culays fuulo. Waxa jira kiisas maanta dadkii ay ka dhaxeeyeen qaarkood saddex jiil la iska dhaxlay, kadib markii ay dhinteen dadkii ay ka dhaxeeyeen oo maantan carruurahoodu is-haystaan oo halkii ka sii wadaan. Fariinta aan bulshada u dirayaa waxay tahay in wixii madani ah ee xal lagu dhamayn karo lagu dhammeeyo si Maxkamada culaysku uga yaraado, " ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida Caddaaladda Somaliland Prof. Aadan Xaaji Cali.

 

Geesta kale, Maxkamadda Sare waxa ay guddi u saartay kiiskii ugu horreeyey ee lagu xaliyo sulux, kaasoo in muddo 3 sannadood ah ka socday Maxkamadda, iyadoo dhinacyadii isku hayey ay ku qanceen go’aamadii guddida dhexdhexaadintu soo saartay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Adan Xaaji Cali, ayaa tilmaamay in guddidan xal ka soo saartay kiiskaas, kadibna dhinacyadii ku qanceen, waxaannu u mahadceliyey dhinacyii muranka sharci ka dhaxeeyey ee suluxa isku af gartay.

Cabdi Yuusuf Aar oo ka mid ah guddida kiiskan dhexdhexaadinaysay, ayaa sheegay in labada dhinac ee guriga isku haystay, muddada dheerna kiiskoodu maxkamadda ku jiray ay ka aqbaleen dhex dhexaadintii, lana soo afjaray khilaafkoodii.

Sidoo kale, Cabdi Yuusuf Aar waxa Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ugu mahadceliyey fikirka cusub ee lagu xalinaayo kiisaska muddada dheeraaday, maxkamadaha culayska dacwadaha lagaga fududaynaayo, waxaannu bulshada ugu baaqay in ay garab istagaan, kalana shaqeeyaan sugida caddaaladda.

Xildhibaan Axmed Yasiin Sheekh Cali Ayaanle oo laf ahaantiisu guddidan ka qayb ahaa, ayaa ka warramay faa’iidada iyo ajarka laga helaayo in wanaag lagu dhexdhexaadiyo dhinacyada is haya ee khilaafku ka dhaxeeyo, isagoo tilmaamay in suluxu keeno in qofku xaq uu leeyahay uu ka tanaasulo, ajar badana xagga Ilaahay kaga helo.


Sidoo kale, dhinacyada isku hayey guriga ee guddiga loo saaray oo kala ahaa Dr. Cabdiraxmaan iyo Cali Bootaan oo warbaahinta la hadlay, ayaa soo dhaweeyey nidaamka lagu dhexdhexaadiyey, iyagoo shacabkana ugu baaqay in ay wixii khilaafaad ah ee ay xalin karaan ay dibada ku xashadaan si garsoorka culaysku uga yaraado.

Intaa kadib, waxa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo guddida loo saaray xalinta kiiskan ay tegeen guriga la isku hayey oo ku yaal ka soo horjeedka hudheelka Safaar ee degmada Ibraahim ee magaalada Hargeysa, iyadoo furihii lagu wareejiyey dhinac ka mid ah, halka qadar lacag ahna la siiyey dhinacii kale.





Contact@afkashacabka.com