Dowlada Somaliya Oo Maanta Si Rasmi Ah U Gudbisay Dacwad Ka Dhan Ah Kenya

0
Monday July 13, 2015 - 19:31:02 in by Burco Office
  • Visits: 610
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Somaliya Oo Maanta Si Rasmi Ah U Gudbisay Dacwad Ka Dhan Ah Kenya

    Soomaliya ayaa maanta si rasmi ah waxay dacwad uga gudbinaysaa dalka Kenya oo ay ku eedeysay in ay si sharci darro ah ugu qabsatay baddeeda. Murankan waxa uu salka ku hayaa lahaanshaha qaybo kamid ah soohdinta xadka badda labada dal, oo badhitaano l

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaliya ayaa maanta si rasmi ah waxay dacwad uga gudbinaysaa dalka Kenya oo ay ku eedeysay in ay si sharci darro ah ugu qabsatay baddeeda. Murankan waxa uu salka ku hayaa lahaanshaha qaybo kamid ah soohdinta xadka badda labada dal, oo badhitaano lagu sameeyey la sheegay in laga helay khayraad dabiici ah.


Dacwadda maanta waxa ay imaanysaa maalmo kadib markii ay Kenya sheegtay in ay Muqdisho ka heshay balanqaad ah in muranka badda wadahadal lagu xallin doono.
Sharciyaqaano iyo xubno matalaya dowladda Soomaaliya oo uu hogaaminayo Xeer Ilaaliyaha Guud Axmed Cali Daahir ayaa gaadhay magaalada the Hague, kuwaas oo si rasmi ah u gudbin doona dacwadda.
Axmed Cali Daahir oo u warramaya BBC-da ayaa sheegay in dacwadda laga fursan waayay maxkamadda kaddib markii isfahanka ay Kenya doonayso


noqday mid aan waafaqsanayn daanta Soomaaliya.
Xeer ilaaliyaha guud ee Somalia Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay in Somalia wanaag iyo walaalnimo kula dhaqmayso jaarkeeda balse aanay baddeeda gorgortan ka galayn "Arrinta badda Somalia waa arrin aan dawladda Somalia iyo umadda Somalia ba gorgortan ah iyo waan-waan midna ka gali Karin. Dawladda Somalia markii ay fiirisay dhinacyo badan Kenyana ku qancin wayday inay si darisnimo iyo wanaag leh badda Somalia faraha ugala baxdo, ayay Somalia go’aansatay inay Maxakamadda oo ah halka kali ah ee lagu kala baxo u gudbiso” ayuu yidhi Xeer ilaaliyaha Somalia.

Dhanka kale xeer ilaaliyaha Kenya oo ka hadlay dacwaddan Somalia u gudbisay Maxakamadda aduunka ayaa ku doodaya in Kenya ku guulaysan doonto dacwadaasi "Somalia waa dal madaxbannaan, xaq ayaanay u leedahay talaabada ay aaminsan tahay inay dani ugu jirto, balse Kenya waxay aaminsan tahay inaanay Somaila sharci u lahayn inay sheegato qayb ka mid ah badda Kenya, waa arrin cad oo waadax ah marka la fiiriyo sharciga caalamiga ah ee xakameeya xuduudaha badda. Kenya waxay doonaysaa inay dagaalkan gasho iyadoo adeegsanaysa dariiqa Somalia xulatay ee ah maxakamadda caddaaladda ee dunida, Kenya waxay aaminsan tahay inay ku guulaysan doonto arrintan” ayuu yidhi Xeer ilaaliyaha Kenya.
Weftiga Somalia u gudbiyay dacwadan oo uu hogaaminayo xeer ilaaliyaha guud oo ay weheliyaan khuburo ka caawinaysa dacwada ayaa haatan ku sugan xarunta maxakamadda ee The Hague, lamana saadaalin karo natiijada dacwadaasi ku saabsan soohdinta badda ee Somalia iyo Kenya oo ah meel qani ku ah khayraadka dabiiciga ah.