Daawo Sawirada:Taliyayaasha Booliska Somalia iyo Amisom Oo Kulan Xasaasi Ah Maanta kuwada Qaatay Xerada Xalane Maxaase Ka Soo Baxay?

0
Monday July 13, 2015 - 19:43:03 in by Burco Office
  • Visits: 690
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada:Taliyayaasha Booliska Somalia iyo Amisom Oo Kulan Xasaasi Ah Maanta kuwada Qaatay Xerada Xalane Maxaase Ka Soo Baxay?

    Taliyayaasha Ciidamada Booliska Somalia iyo Amisom oo ay wehlinayaan Saraakiil ka kala tirsan Ciidamada Militeriga Somalia iyo Amisom ayaa ku kulmay Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyayaasha Ciidamada Booliska Somalia iyo Amisom oo ay wehlinayaan Saraakiil ka kala tirsan Ciidamada Militeriga Somalia iyo Amisom ayaa ku kulmay Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somalia. Kulanka oo ahaa mid looga hadlaayay amaanka Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa leysu dhaafsaday afkaar kala duwan iyo qaabka ugu sahlan ee looga guuleysan karo Xoogaga Alshabaab Wuxuu kulankaan ka dhacay Xarunta ciidamada Amisom ee Xalane.
Generaal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliyaha ciidamada Booliska Somalia ayaa u mahadceliyay Saraakiisha ciidanka Booliska Amisom ee ka shaqeeya ammaanka Magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay Taliyaha ciidamada Booliska Somalia in ciidamada Booliiska Somalia iyo kuwa Booliska Amisom, maalin iyo habeen ay u taagan yihiin xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho iyo ka hortagga weerarada Shabaabka ay ka geysanayaan Magaalada.

Kulankaan maanta uu Taliyaha ciidanka Boliska Somalia la qaatay Saraakiisha ciidamada Amisom ayaa ku soo aadaya, xilli Shabaab maalintii jimcaha ay weerareen labo Hoteel oo ku yaallo Magaalada Muqdisho.



























































































































Ayaane Xasan Saleebaan
afkashacabka.com
Muqdisho/Office
Contact@afkashacabka.com