War Deg Deg Ah:Ajaaniib la sheegay in ay Ka Tirsanaayeen Al-Shabaab Oo Ka Baxsaday Xabsi Kuyaala Dalka Kenya

0
Monday July 13, 2015 - 20:03:04 in by Burco Office
  • Visits: 640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:Ajaaniib la sheegay in ay Ka Tirsanaayeen Al-Shabaab Oo Ka Baxsaday Xabsi Kuyaala Dalka Kenya

    Burco(AFKA)Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Dalka Kenya ayaa qoray in rag ajaaniib ah oo lala xariirnayay in ay katirsan yihiin Dagaalamayaasha Xarakada Al-Shabaab ay ka baxsadeen xabsi ay ku xirnaayeen oo kuyaala Gudaha Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(AFKA)Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Dalka Kenya ayaa qoray in rag ajaaniib ah oo lala xariirnayay in ay katirsan yihiin Dagaalamayaasha Xarakada Al-Shabaab ay ka baxsadeen xabsi ay ku xirnaayeen oo kuyaala Gudaha Kenya.

Xabsiga Bungoma ee kuyaala Dalka Kenya ayaa la tIlmaamay in ay ka baxsadeen shan nin oo ajaaniib ah, kuwaa oo labo kamid ah lala xadhiidhiyay xarakada Al-Shabaab, waxa ayna maxaabiistaasi baxsatay kasoo jeedaan Dalka Ingiriiska.

Henry Ochieng oo katirsan Saraakiisha gacanta ku heysay Xabsiga Bungoma ayaa sheegay in maxaabiista baxsatay labo kamid ah oo kasoo jeeday Dalka Ingiriiska ay ahaayeen Dambiilayaal waa weyn oo lala xariiriyay Al-Shabaab, halka Maxaabiista kale ee baxsatayna ay u xirnaayeen in ay sharci daro kusoo galeen dalka Kenya.

Sargaal qariyay Magaciisa kana howlgala Xabsiga Bungoma ayaa u sheegay Wargeyska Daily Nation in Maxaabiista baxsatay la tuhmayo in ay bixiyeen laaluush loona fududeeyay in ay baxsadaan, waxa uuna intaa raaciyay in marar badan dhacday in saraakiisha xabsiga ay laaluush ka qaataan maxaabiista loona fududeeyo in ay baxsadaan.

Raga la tuhmayo in ay xariir la lahaayeen Al-Shabaab kana soo jeeday Dalka Ingiriiska ayaan faah faahin rasmi ah laga bixin magacyadooda iyo waliba dambiyada loo heestay, waxaana socda baaritaano lagu ogaanayo sida ay maxaabiistaasi u baxsadeen iyo sidii mar kale loo soo qaban lahaa.



Contact@afkashacabka.com