Arday Shaaca Ka Qaaday inay is-dili doonaan Haddii Obama Uu san soo booqan Jaamacadooda Nairobi +Daawo Booshadii 2006 Obama Ee Jaamacada

0
Tuesday July 14, 2015 - 12:52:11 in by Burco Office
  • Visits: 864
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arday Shaaca Ka Qaaday inay is-dili doonaan Haddii Obama Uu san soo booqan Jaamacadooda Nairobi +Daawo Booshadii 2006 Obama Ee Jaamacada

    18 Arday oo ka mid ah Ardaydadhigta Jaamacada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxey ku hanjabay iney is dili doonaan hadii madaxweynaha Mareykanka Barack Obama uusan booqanin Jaamacadooda dhamaadka bishaan markuu safarka ku yimaado Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

18 Arday oo ka mid ah Ardaydadhigta Jaamacada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxey ku hanjabay iney is dili doonaan hadii madaxweynaha Mareykanka Barack Obama uusan booqanin Jaamacadooda dhamaadka bishaan markuu safarka ku yimaado Kenya.

Ardayda oo maanta u diray Danjiraha Mareykanka u fadhiyo wadanka Kenya - warqad ay ku muujinayeen rabitaankooda; isla markaasna ay ku codsanayeen in Madaxweyne Barack Obama uu ku booqdo jaamacadooda, ayaa waxey sheegeen iney aad oga xun yihiin in qorshaha safarka Madaxweynaha aysan ku jirin booqasho uu kula kulmaayo.

Ardayda oo sheegay tiro ahaan iney gaarayaan ilaa 84 kun oo ka mid ah midowga ardayda wax ka barato Jaamacada Nairobi University, ayaa qoraalkooda waxey ku xasuusiyeen Madaxweyne Obama inuu horay u booqday Jaamacadooda sanadii 2006-dii, markii uu booqashada ku yimid Kenya isagoo xiligaas ahaa Senator-ka Illinois. Isla markaasna arday badan uu kala hadlay hoolka Taifa ee Jaamacadda Nairobi University kaddibna geed ku beeray afaafaka hore ee hoolkaas.

Warqada oo uu ku saxiixnaa Babu Owino oo ah Gudoomiyaha Ururka Ardayda Jaamacada Nairobi ee magaciisa loo soo gaabiyo SONU (Students Organization of Nairobi University), ayaa qaar kamid ah ardaydu waxey ku hanjabeen iney is dili doonaan, sidoo kalana ay haleyn doonaan geedkii Madaxweyne Obama uu ku beeray Jaamacadda.

Waxey sidoo kale rajo ka muujiyeen in lagu soo dari doono liiska goobaha uu booqan doono Madaxweynaha, iyagoona tilmaamay iney si weyn u soo dhaweynayaan.

Dhanka kale MadaxweynahaMarkeynka Barack Obama, ayaa lagu wadaa inuu booqasho saddex cisho qaadan doonto uu ku yimaado wadanka Kenya dhamaadka bishaan, isagoona Nariobi oga qeyb gali doono shir caalami ah oo ganacsiga looga hadlaayo.


Contact@afkashacabka.com