Al-shabaab Oo Deegaanka Raage-ceelle Ku Dishay Askar Ka Tirsanaa Ciidamada Dowladda Somalia

0
Tuesday July 14, 2015 - 13:06:40 in by Burco Office
  • Visits: 822
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab Oo Deegaanka Raage-ceelle Ku Dishay Askar Ka Tirsanaa Ciidamada Dowladda Somalia

    Muqdisho(AFKA)Ugu yaraan lix Ruux oo isugu jira Askar ciidamada DF Somalia ka tirsanaa iyo xoogagga Al-shabaab ayaa lagu dilay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen weerar ay saaka aroortii Al-shabaab ku qaadday deegaanka Raage-Ceelle oo ka tirs

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA)Ugu yaraan lix Ruux oo isugu jira Askar ciidamada DF Somalia ka tirsanaa iyo xoogagga Al-shabaab ayaa lagu dilay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen weerar ay saaka aroortii Al-shabaab ku qaadday deegaanka Raage-Ceelle oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe.


Taliyaha ciidamada millateriga DF ee deegaanka deegaanka Raage-ceelle, S/xiddigle Nuur Coloow ayaa sheegay in laba ka tirsan xoogagga Al-shabaab ay toogasho ku dileen intii uu iska-horimaadku socday.

"Xoogagga Al-shabaab ayaa soo weeraray deegaanka aroornimadii hore ee saaka oo Axad ah – waxaa nooga dhintay afar askari, wayna qabsadeen deegaanka, laakiin dib ayaan ugu laabannay oo waan ka saarnay,” ayuu yiri Cap. Nuur Coloow.

Sidoo kale, Afhayeenka howlgallada Al-shabaab, Sh. C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay in xoogaggoodu ay ku dileen weerarkii Raage-ceelle tiro ka tirsanaa askarta ciidamada dowladda Somalia ee halkaas ku sugnaa.

"Muddo kooban ayaa deegaanka gacanta ku haynay, waxaana ku dilnay 12-askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, hubkoodiinna waan ka qaadannay. Waxaan sidoo kale Qaadannay dhammaan hubkii iyo rasaastii yaallay saldhigga,” ayuu ku yiri hadalkiisa Sh. Abuu-Mucab.

Dhanka kale, Ciidamada Burundi oo saldhig ku leh duleedka degmadaas ayaa la sheegay inay ku rideen deegaanka Madaafiic ay kaga hortagayeen weerarka Al-shabaab, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ay geysatay.

Xaalada deegaanka ayaa hadda ah mid deggen, inkastoo la soo sheegayo inuu jiro khasaare ka dhashay dagaalka, iyadoo wararku sheegayaan inay ku dhintee shan askari oo ciidamada dowladda Federaalka Somalia ka tirsanaa.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa Weerarkeedaan wuxuu imaanayaa xilli ay Sheegeen inay kordhiyeen weerarrada bishan Barakaceysan Ramadaan, iyagoo horay u weeraray saldhig ay ku lahaayeen ciidamada AMISOM deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellada Hoose oo ay Al-shabaab sheegtay inay ku dileen Toddobaatameeyo Askari oo Burundi ah


Ayaanle Xasan  Saleebaan 
Afkashacabka.com
Muqdisho/Office

Contact@afkashacabka.com