Dawradii Kutubta Xifdul Mutuunta Ee Ka Soconayay Markiska Imaamu Shaafic Ee Burco Oo La Soo Gebagebeeyey+Abaalmarino La Gudoonsiyay Arday+Sawiro

0
Tuesday July 14, 2015 - 13:31:50 in by Burco Office
  • Visits: 1344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawradii Kutubta Xifdul Mutuunta Ee Ka Soconayay Markiska Imaamu Shaafic Ee Burco Oo La Soo Gebagebeeyey+Abaalmarino La Gudoonsiyay Arday+Sawiro

    Dawro Lagu Xifdisiinayey Ardayda Da'da Yar Kutubta Xifdul Mutuunta Ayaa Lagu Soo Gebagebeeyey Masaajidka Weyn Ee Jaamicul MadiinaEe Burco. Dawradan Oo Loo Qabtay Arday Ka Kooban 42 Ar Day Waxaa Lagu Xifdisiinayey 4 Kitaab Oo Ka Mida Kutubta S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawro Lagu Xifdisiinayey Ardayda Da'da Yar Kutubta Xifdul Mutuunta Ayaa Lagu Soo Gebagebeeyey Masaajidka Weyn Ee Jaamicul MadiinaEe Burco. Dawradan Oo Loo Qabtay Arday Ka Kooban 42 Ar Day Waxaa Lagu Xifdisiinayey 4 Kitaab Oo Ka Mida Kutubta Shareecada Islaamka Sida 100 Xadiis, Sulam Wusuul ( Kutub Tawxiid), Matni Abii Shujaac ( Fiqhi) Iyo Siirada

.

Xafladan Lagu Soo Gunaanadayey Xidhitaanka Dawradan Waxaa Ka Soo Qayb Galay Culimo Udiinta, Shirkadaha Ganacsiga, Maamulka Gobolka Iyo Waalidiinta Ardaydaas. Ugu Horayn Waxaa Xafladaa Ka Hadlay Gudoomiyaha Muasadada Alkaram Ee Dacwada Iyo

Horumarinta Gobolka Togdheer Sh. Saleebaan Diiriye Oo Ka Warbixiyey Hadafka Iyo Ujeedooyinka Loo Aas Aasay Hay’adani Ay Tahaay Dacwada Iyo Horumarinta Gobolka. Isagoo Xusay Waxyaalaha Ay Qabatay Hay’Adu Inay Ka Mid Tahay Qabashada Dawrooyinka, Nadawaadka Duruusta Ka Socota Masaajidada Iyo Fataawaa Ramadaaniya Oo Ah In Dadka Loo Cadeeyo Axkaamta Ku Taxaluqda Shareecada Islaamka Gaaar Ahaan Bisha Ramadaan Ugu Danbayn Wuxuu Gudoomiyuhu Uga Mahad Celiyey Shirkada Telesom Dedaalka Ay Ugu Jirto Horumarinta Gobolka Togdheer.

 

Maamulaha Machadka Alimaamu Shaafici Sh. Yuusuf Mxamuud Diiriye Ayaa Xusay In Dawradani Ay Tahay Dawradii 4 Ee Ay Shirkada Telesom Ugu Qabato Machadka Alimaamu Shaafici Ardaydan Wuxuuna Ka Warbixiyey Baahida Loo Qabo In Kor Loo Qaado Aqoonta Iyo Tarbiyada Da’ Yarta. Wuxuuna Aad Ugu Dhiirigeliyey Ar Dayda Inay Ka Faa;Iideystaan Fursadan Qaaliga Ah. Isagoo Dhinaca Kale Baaq U Diray Dhamaan Shirkadaha Kale Iyo Ganacsatada, Iyo Maamulka Gobolku Inay Ka Qayb Qaataan Horumarinta Iyo Kor U Qaadida Aqoonta Ubadka Yaryar.

 

Madaxa Suuq Geynta Shirkada Isgaadhsiinta Ee Telesom Cali Mahdi Ismaaciil Ayaa Isna Halkaa Ka Soo Jeediyey Talooyin Dhaxalgal Ah Oo Ku Wajahan In Si Xikmad Leh Loogu Fekero Sidii Sare Loogu Qaadi Lahaa Heerka Aqooneed Ee Ardayda. Wuxuuna Xusay Baahida Loo Qabo Inay Culimada, Shirkadaha Ganacsiga Iyo Maamulka Gobolka Ay Iska Kaashadaan Sidii Loo Aasaasi Lahaa Xarumo (Boarding) Oo Si Gaar Ah Loogu Hayo Ardayda Loona Diyaariyo Inay Noqdaan Kuwo Waqti Iyo Fursad Dheeri Ah U Hela Inay Bartaan Shareecada Islaamka.

 

Waxa Iyana Xafladaas Ka Hadlay Masuul Ka Socda Shirkada Ileys Oo Kamida Shirkadaha Sida Joogtada Uga Qaybqaata Horumarinta Dacwada Gobolka Togdheer. Wuxuuna Ardayda Aad Ugu Dhiirigeliyey Aqoonadta Iyo Inay Ka Faa’iideystaan Fursadan Qaaliga Ah.

 

Culimada Gobolka Oo Ay Ka Mid Yihiin Cabdi Sh. Yuusuf Cabdi Cawed Iyo Sh. C/Qani Aw Saalax Ayaa Iyaguna Halkaas Ka Soo Jeedieyey Kelimaad Isugu Jira Waano Iyo Baraarujin.

Waxaa Xafladaas Soo Gunaanaday Duqa Maagalada Burco Ustaad Maxamed Muraad Oo Ku Balan Qaaday Inay Culimada Gobolka Lagarab Istaagi Doonaan Waxqabad Iyo Mashruuc Kasta Oo Lagu Horemarinayo Majaalaadka Dacwada Iyo Waxbarashada.

Gabagabadiina Badhasab Ku Xigeenka Gobolka Togdheer Maxmed Diriye Xayd Ayaa Ardaydii Kaalmaha Sare Ka Galay Dawradani Gudoonsiyay Abaalmarin Iskugu Jirtay Lacag iyo Shahadooyin

Contact@afkashacabka.com