Wasiirka Diinta oo Abaal-marin guddoonsiiyey Arday Kaalmaha hore ka galay Tartanka Jimciyatul Axbaab ee Qur'aanka Kariimka ah.

0
Tuesday July 14, 2015 - 14:35:15 in by Burco Office
  • Visits: 761
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Diinta oo Abaal-marin guddoonsiiyey Arday Kaalmaha hore ka galay Tartanka Jimciyatul Axbaab ee Qur'aanka Kariimka ah.

    Hargeysa(AFKA)- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed iyo Culimada Jumciyadda Waxbarashada Diiniga ah iyo Xusaska Nebi Muxamed (C.S.W) ee Al-Axbaab, ayaa Abaal-marin guddoonsiiyey Arday Kaalmaha hore u ga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA)- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed iyo Culimada Jumciyadda Waxbarashada Diiniga ah iyo Xusaska Nebi Muxamed (C.S.W) ee Al-Axbaab, ayaa Abaal-marin guddoonsiiyey Arday Kaalmaha hore u galay Arday ku tartantay Qur'aan Akhriska Ramadaanta ee 15 illaa 5-ta Jis.


Kulanka lagu soo gebo-gabeeyey Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee bisha Ramadaan ee 15-ka Jis, 10-ka Jis iyo Shanta Jis iyo Axaadiista oo ay qabatay Jimciyatul Axbaab, ayaa la guddoonsiiyey Lacag, waxaana Ardayda Kooxda 15-ka jis ku tartamayey kaalinta koowaad u galay saddex Milyan oo Lacagta Shilinka Somaliland ah iyo kuwa kaalmaha kale ku guulaystay oo lacagtoodu isku-sii xigxigtay, waxaana dhammaan Ardayda Tartanka ka qaybgashayna halkaas lagu guddoonsiiyey Lacag Xaqal-Ciid ah.
Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ka qaybgalka kulankan Ardayda Qur’aanka ku tartamay abaal-marinta lagu guddoonsiiyey, waxaanu kaalinta ay horumarinta arrimaha Diiniga iyo khayriga ah ay kaga jirto Jimciyatul Axbaab.

"Runtii Aad iyo Aad ayaan u hambalyaynayaa Jumciyatul Axbaab,Jumciyadu waxa ay awood u yeelatay in Ay barbaariso ubad Tayo leh Oo lagu jeclaysiinayo Ardayda in qawlka Alle ay wayneyaan, qofkaas waxa uu mudan yahay in shahaado sharafyo lasiiyo oo aad u qaali Ah, taasina runtii waxa ay keenaysaa in Da’yarteenu jeclaystaan oo ay qalbiga ku hayaan kitaabka alleh.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland.
Macallin Khaalid Yuusuf Jaamac oo hoggaaminayey Tartankan Qur’aanka Kariimka ah ee shalay la lagu soo gebo-gabeeyey Masaajid ku yaal magaalada Hargeysa, ayaa sharraxaad ka bixiyey marxaladihii uu tartan soo maray, waxaanu yidhi; "Tartankan Qur’aanka waxa soo qaban-qaabisay Jumciyatul Axbaab Al Muxamediya Albaydaa, waxaanay markasta u taagan tahay in ay oogto arrimaha Khayrku ku jiro sida Munaasibaddan oo kale, Barnaamijkan aynu ku jirnaa waxa weeyaan laba qaybood oo kala ah Qur’aanka Kariimka ah iyo qaybo Cilmi ah oo lasoo waday illaa Bishii Ramadaan. Tartankani waxa uu ku soo bilaabmay Masaajidka wayn ee Masjidul Jaamic.”

"Ardayda ka qayb qaatay Tartankani waxa ay ka kala socdeen dhawr iyo Soddon Madarasadood, Qur’aanka lagu tartamayay waxa uu isna ka koobnaa 15-ka Jis,10-ka jis iyo 5-ta Jis, sidaas ayaa Qur’aanka loogu tartamayay, iyaduna Dawradu waxa ay ka koobnayd Maddarasadaha oo dhan inta Imtixaanka u fadhiistay waxa ay dhammayeen 42 Arday. Ardayga ugu sarreeya waxaannu siinaynaa lacag dhan Saddex Milyan oo Shillinka Somaliland ah, Ardayga isna ku xiga waxaannu siinaynaa Malyan iyo Shan Boqol, Ardayga wanka u galay 10-ka jis waxaannu ugu talo-galnay laba Milyan laba boqol iyo kontan Shilinka Somaliland ah, halka Ardayga kaalinta 2-aad galayna uu isna qaadan doono Malyan boqol iyo Shan iyo Labaatan kun, halka kuwa shanta jis ku tartamayay ka kaalinta koowaad galay lasiinayo Malyan iyo shan boqol oo Shillinka Somaliland ah.” Sidaa ayuu yidhi Macallin Khaalid oo sharraxayey qaabka ay u qorsheeyeen Tartanka iyo abaal-marinta Ardayda.

Madaxa Maddarasadaha Jumciyatul Axbaab Axmed Shabcaan Aw Axmed, ayaa isna ku dheeraaday Muhiimadda ay leedahay in Kitaabka Alle lagu dhaqmo korna loo qaado, isaga oo tilmaamay in Ardaydu marka ay yaryar yihiin lagu Canqariyo Qur’aanka, laguna Tarbiyadeedyo, waxaanu u mahad-celiyey Jimciyadda Tartanka soo qaban-qaabisay iyo Waalidiinta dhalay Ardayda ka qaybgalaysay oo uu sheegay inay Guryaha si fiican ugu barbaariyeen dhaqanka suubban ee Diinta Islaamka Ubadkooda.
Waxa iyaguna halkaa ka hadlay Xubno ku hadlayey Afka Waalidka iyo Culimo kale, kuwaasoo dhammaantood ka warramay muhiimadda ay tartannada noocan oo kale ah ee lagu tartamayo Qur’aanka Kariimka ah u leedahay Bulshada iyo horumarinta Diinta-ba, iyagoo aad ugu mahadnaqay Jimciyatul Axbaab oo ay ku ammaaneen doorka ay kor-yeelidda Diinta Islaamka kaga jirto. Waxaana gebo-gabadii halkaa lagu guddoonsiiyey Abaal-marinta ay mutaysteen Ardayda Kaalmaha hore galay iyo weliba Ardayda kale ee Tartanka ka qayb-qaatay oo iyagana Lacag loogu talo-galay inay ku Ciidaan la guddoonsiiyey.