War Deg Deg ah:La Taliyihii Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Bariga Oo Cusbitaal Ku Yaala Turkiga Ku Geeriyooday

0
Wednesday July 15, 2015 - 15:32:56 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg ah:La Taliyihii Madaxweynaha Somaliland ee Arrimaha Bariga Oo Cusbitaal Ku Yaala Turkiga Ku Geeriyooday

    Allaah Haw u naxariistee La taliyihii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Arrimaha Bariga Fu'aad Aadan Cade ayaa lagu soo waramayaa in uu ku geeriyooday Cusbitaal Ku yaala Magaalada Istanbul ee carriga Turkiga. Geerida marxuumka ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaah Haw u naxariistee La taliyihii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee Arrimaha Bariga Fu'aad Aadan Cade ayaa lagu soo waramayaa in uu ku geeriyooday Cusbitaal Ku yaala Magaalada Istanbul ee carriga Turkiga. Geerida marxuumka ayaa waxa hadhwnaagnews u xaqiijiyay Xildhibaan Cabdqaadir Indho-indho, waxaanu ilaahay uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo.


Marxuumka oo bilo ka hor loo qaaday dalkaasi, ka dib markii isaga oo jooga Xarunta Madaxtooyada uu gaadhi ay leedahay xaruntaasi ku jiidhay.

Dhinaca kale Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali ayaa ka tacsiyadeeyay guud ahaanba shacabka Somaliland geerida Naxdinta leh ee ku timid Marxuum Fu’aad Aadan Cade.

Waxaana qoraal oo uu ku baahiyay bogga uu ku leeyahay Facebookga uu ku yidhi "Inalillahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waxaa la soo sheegay geerida marxuum fuaad aadan cadde. RUKUN adag ayaa ka baxay Somaliland . Geeridu waa xaq.waxaan ka tacsidayaynayaa guud ahaanba Reer Somaliland, qoyskii, qarabadii. Ehelkii, Iyo asxaabtii .waxaan ilaahay uga baryayaa in uu naxariistii jano ka waraabiyo, dhamaanteena Samir iyo Iman haynaga siiyo”

 

Allah haw u naxariistee Marxuum Fu’aad Aadan Cade ayaa ka mid ahaa Siyaasiyiinta Ugu miisaanka culus Siyaasada Somaliland.

Allaah Haw u naxariisto Marxuumka


Contact@afkashacabka.com