Wadahadaladii Garoowe Uga Socday Dawlada Somalia& Puntland, Ayaa Soo Gabagabaysmay Natiijo La,aan

0
Wednesday July 15, 2015 - 23:32:18 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadahadaladii Garoowe Uga Socday Dawlada Somalia& Puntland, Ayaa Soo Gabagabaysmay Natiijo La,aan

    Shir muddo dhowr saacadood qaatay oo maanta Magaalada Garoowe ay ku yeesheen Ra'iisal Wasaaraha Somaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Ma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir muddo dhowr saacadood qaatay oo maanta Magaalada Garoowe ay ku yeesheen Ra'iisal Wasaaraha Somaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa ku soo dhamaaday fashil.


Puntland, ayaa iyadu diidan jiritaanka Maamulka Galmudug, Guddiga Xuduudaha iyo Guddiga Adeega Garsoorka. Jubbaland ayaa iyana shirkan ka soo gashay, iyadoo aan aqoonsanayn Guddiga Xuduudaha iyo Garsoorka.


Ra’iisal Wasaaraha, ayaa labadaasi dhinac ugu baaqay inay aqoonsadaan Guddiyadaasi, oo taageero buuxda ka haysta Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, iyadoo uu tilmaamay Guddiga Xuduudaha inay muhiim u yihiin doorasho dalka ka dhacda sanadka ina soo aadan.
Jubbaland iyo Puntland, ayaa si adag kaga horyimid inay taageeraan Guddiyadaasi, waxayna taasi ku macneeyen iyagoo aan wax xubno ah ku lahayn Guddiyadaasi, isla-markaana ay taasi khilaafsan tahay Dastuurka Qabyo Qoraalka Ee Somaliya.
Sidoo kale waxa uu Ra’iisal Wasaaraha uu isu deyay in Madaxda Puntland ka dhaadhiciyo inay taageeran Maamulka Galmudug, oo uu ku sheegay mid ku meel gaadh ah, si ku meel gaadh ahna ugu magacaaban Gobolada Galgaduud iyo Mudug.
Maamulka Puntland, ayaa qaadacay in uu aqoonsado Galmudug, iyagoona ku andacoonaaya in taasi ay si cad kaga horumaanayso jiritaanka Puntland, sababo ku aadan Waqooyiga Gobolka Mudug oo ka tirsan Deegaanada Puntland.
Maamulka Puntland waxa uu Ra’iisal Wasaare Sharmaarke uu ugu yeedhay in la xushmeeyo jiritaanka Puntland, Dowladda Federalkana looga baahan yahay inay dib ugu laabato Dhismaha Galmudug, oo ay horey Puntland ugu tilmaamtay mid gacan ku rimis ah.
Dastuurka Galmudug, ayaa qeexaaya in xuduuda uu la wadaago Puntland ay ku egtahay, xuduuda Gobolka Mudug la lee yahay Gobolka Nugaal. Xilli Dastuurka Puntland uu ku xusan yahay in Gobolka Mudug ka tirsan yahay dhulka Puntland.
Haddii wada hadalada Garoowe heshiis rasmi ihi laga gaadhi waayo, ayaa waxaa la hadalhayaa in qorshaha Xukuumaddu uu yahay, sidii wax ka bedel loogu samayn lahaa Dastuurka Galmudug, oo ku cad in Waqooyiga Mudug uu ka tirsan yahay dhulka Galmudug.
Arbacada berrito, ayaa waxaa la fillayaa in shirka Garoowe looga hadlo arrimo ay ugu muhiimsan yihiin, sidii loo hirgelin lahaa heshiisyadii ay horey u wada gaadheen Dowladda Federalka iyo Puntland, sidii Maamul Goboleedyada saami looga siin lahaa deeqaha dibadda kaga imaanaaya Dowladda iyo meeqaamka Caasimadda Somaliya. 




Contact@afkashacabka.com