Dhallinyaro Soomaaliyeed oo xalay isku dilay Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi

0
Thursday July 16, 2015 - 09:12:22 in by Burco Office
  • Visits: 977
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhallinyaro Soomaaliyeed oo xalay isku dilay Xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi

    Hal qof ayaa dhintay mid kalana wuu dhaawacmay kadib markii xalay Xaafada Eastleigh (Islii) ee magaalada Nairobi ay isku dagaaleen dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka wada tirsanaa kooxda Super Power oo lagu eedeeyo iney falal dhac iyo amni dari ah, ka gey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hal qof ayaa dhintay mid kalana wuu dhaawacmay kadib markii xalay Xaafada Eastleigh (Islii) ee magaalada Nairobi ay isku dagaaleen dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka wada tirsanaa kooxda Super Power oo lagu eedeeyo iney falal dhac iyo amni dari ah, ka geysataan xaafadaas.


Dhalinyaradda is dagaalay oo la sheegay iney 5 wiil ka koobnayeen, ayaa mid ka mid ahaa uu dhintay kadib markii toorey looga muday Caloosha, midna uu baxsaday halka saddex kale oo uu ku jiray mid dhaawac ahna ay ciidamada Boolisku ganacta ku dhigeen.

Qaar kamid ah dadka dagan Xaafada Jam-ka Islii gaar ahaan agagaarka Masaajidka Al Hidaaya oo falkaas uu ka dhacay, ayaa Hiiraan Online u sheegay in dhalinyaradaas oo markii hore wada socday ay ku murmeen Taleefoonka Mobile ah oo xoog ay oga qaateen nin wadaad ah oo xalay u socday Salaada Tahajudka, ka dibna ay isku qabsadeen Taleefoonkaasna oo sababay dagaalkooda dhimashada keenay.

Wiilka dhintay oo da'diisa lagu qiyaasay ilaa labaatan sano jir, ayaa saaka markii uu waagu baryay waxaa meydkiisa qaaday ciidamada Booliska oo sheegay iney baari doonaan.

Ahmed Mohamed (Ahmed Security) oo ah guddoomiyaha nabada-galyada Xaafada Eastleigh oo aan la xiriirnay, ayaa sheegay inuu aad oga xun yahay dhacdadaas.

Wuxuuna intaas ku daray baaq uu u jeediyay waalidiinta carruurtoodu ay ku jiraan kooxaha ka jiro xaafadaas oo uu ugu baaqay iney ceshtaan ubadkooda, isla markaasna ay ka war-hayaan wax yaabaha ay sameynayaan iyo dadka kale ee ay la socdaan, si ay nabad u helaan dadka degan xaafada, iyaguna loo kala bad-baadiyo.

Dhanka kale xaafada Islii oo Soomaali badan ay ka dagan yihiin Nairobi. Ganacsiyo kala duwana ay ku leeyihiin, ayaa waxaa ka jiro ururo dhalinyaro oo kooxa kooxa ah kuna wada abtirsado magaca Super Power, badankooduna ku hubeysan Tooreeyo iyo Baangado.

Dhalinyaradaas oo ah kuwa da'doodu ay yar tahay waxey iskugu jiraan Kenyan, qaar Yurub iyo America laga keenay iyo kuwa Somalia ka yimid.

Xiliyada habeenkii ahna waxey xoog oga qaataan dadka Taleefoonada gacanta iyo agabka kale ee ay wataan. Dhalinyaradaas oo la sheegay iney isticmaalaan Maandooriyayaal, ayaa sidoo kale waxaa mararka qaar dhex maro dagaalo ay dad iskaga dilaan ama ay isku dhaawacaan.