Sidee Ayuu Dalka Shiinihu Uga Hortaaga Siyabaha Qishka ee Ardaydu Adeegsato

0
Thursday July 16, 2015 - 12:19:19 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee Ayuu Dalka Shiinihu Uga Hortaaga Siyabaha Qishka ee Ardaydu Adeegsato

    Diyaaraddo yar oo kombuyuutar lagu hagayo, ayaa loo isticmaalayaa in lagu basaaso ardayda u fadhiisanaysa imtixaannada lagu galo Jaamacadaha ee dalka Shiinaha si loo joojiyo in ay qishaan, sida ay baahisay warbaahinta maxaliga ah ee Shiinuhu.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diyaaraddo yar oo kombuyuutar lagu hagayo, ayaa loo isticmaalayaa in lagu basaaso ardayda u fadhiisanaysa imtixaannada lagu galo Jaamacadaha ee dalka Shiinaha si loo joojiyo in ay qishaan, sida ay baahisay warbaahinta maxaliga ah ee Shiinuhu.


Saraakiisha magaalada Louyang ee Badhtamaha Shiinaha, ayaa soo saaray qalab tiknoolaji casri ah oo ay doonayaan in ay ku kormeeraan waqtiyada ardayda imtixaannada adag laga qaadayo si looga hortago in ardaydu qishaan imtixaanka.

 


Diyaaradahan oo la yidhaa (duulimaanka aamusan) waxa ay dul heehaabi doonaan ardayda waqtiyada ay imtixaannada jaamacadda lagu fadhiisto ee loo yaqaan Gaokao ee dalka Shiinaha ku jiraan, kuwaasoo laga qaado arday ka badan 9 milyan sannad kasta.

Qalabkan oo loo isticmaali karo hool 360 degree ah, waxa ku yaala signalo soo saaraya waxyaabaha la qarsado ee ka kooban jawaabaha su’aalaha ardayga la waydiiyo, halka laga arkayo qofka isku daya inuu qof kale ka qisho.

Waxa qalabkan loogu talogalay in ay saacad iyo badh hawada dul heehaabaan si ay u kormeeraan dhaqdhaqaaqa ka socda 1,6400 fuudh waxa ka hooseeya sida lagu daabacay mareegta People’s Daily Online oo China laga leeyahay oo Jamhuuriya soo xigtay.

Imtixaanka Jaamacadaha Shiinaha laga qaado oo laba maalmood socda waxa lagu yaqaan in ay yihiin kuwo aad u adag, ardayduna waxa soo wajahda caddaadis ah in qofku waxyar ku dhaco oo aanu Jaamacad gelin.

Waxa kaliya ee la aqbala 6.5 milyan arday, waxaana guul darraysta saddexdii ardayba mid ka mid ah oo aan ku guulaystan in ay tacliintooda sii wataan.

 Contact@afkashacabka,com