Booliska Faransiiska Oo Ku Gulaysatay Inay Ka Hortagaan Weerar Lagu Qaadi Lahaa Xarun Millateri

0
Thursday July 16, 2015 - 12:37:55 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Faransiiska Oo Ku Gulaysatay Inay Ka Hortagaan Weerar Lagu Qaadi Lahaa Xarun Millateri

    Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska ayaa sheegaya inay xidheen afar qof oo lala xidhiidhinay weerar qorsheysan oo lagu qaadi lahaa xero militari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska ayaa sheegaya inay xidheen afar qof oo lala xidhiidhinay weerar qorsheysan oo lagu qaadi lahaa xero militari.


Bernard Cazeneuve ayaa sheegay in Afarta qof ee la xidhay Isniintii uu ka mid yahay askeri hore oo 23 sano jir ah.

 


Waxa uu intaa ku daray in laba bamo oo maalintii Salaasada ku qarxay meel u dhow Marseille, ay u muuqatay inay ahayd ficil budhcadnimo, oo aysan cadeyn u jeedada laga lahaa.

Amniga dalka Faransiiska ayaa aad loo adkeeyay tan iyo markii 17 qof lagu dilay gudaha iyo duleedka Paris, bishii January.
Sidoo kale qof ayaa gowracay maamulihiisa intii uu socday weerar lagu qaaday shirkad shidaal oo ku taalla meel u dhow magaalada Lyon.

Contact@afkashacabka.com