Muj Xasan Ciise Jaamac, Oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyay Geeridii Naxdinta Lahayd Ee Ku Timi Marxuum Fu’aad Aadan Cade

0
Thursday July 16, 2015 - 12:40:40 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muj Xasan Ciise Jaamac, Oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyay Geeridii Naxdinta Lahayd Ee Ku Timi Marxuum Fu’aad Aadan Cade

    Madaxweyne ku xigeenkii u horeeyay ee Somaliland, Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, ayaa shacbi weynaha Somaliland ka tacsiyadeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid La Taliyihii Madaxweynaha ee Gobalada Bari Marxuum Fu'aad Aadan Cade,, oo saaka k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku xigeenkii u horeeyay ee Somaliland, Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, ayaa shacbi weynaha Somaliland ka tacsiyadeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid La Taliyihii Madaxweynaha ee Gobalada Bari Marxuum Fu'aad Aadan Cade,, oo saaka ku geeriyooday dalka Turkiga, oo loo geeyay caafimaad ahaan.

Madaxweyne ku xigeenkii u horeeyay ee Somaliland, Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, ayaa shacbi weynaha Somaliland ka tacsiyadeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid La Taliyihii Madaxweynaha ee Gobalada Bari Marxuum Fu’aad Aadan Cade,, oo saaka ku geeriyooday dalka Turkiga, oo loo geeyay caafimaad ahaan.

Muj Xasan Ciise Jaamac, waxa uu sheegay in marxuumku uu ahaa masuul miisaan culus ku leh dadka iyo dalka Somaliland, isla markaana uu ka mid ahaa masuuliyiintii waaweynaa ee sida wadanimada lehugu soo qeyb qaatay hawlihii nabadaynra iyo aasaaskii dhidibada loogu taagay dib ula soo noqoshadii gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland, iasaga oo Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, uu sheegay in aanu shaki ku jirin in marxuumku uu ahaa halyay qaran oo si weyn looga tebi doono Jamhuuriyada Somaliland.

 


Muj Xasan Ciise Jaamac, waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, asxaabtii, iyo shacabka Somaliland, geeridii naxdinta lahayd ee ku timid La Taliyihii Madaxweynaha ee Gobalada Bari Marxuum Fu’aad Aadan Cade, oo saaka ku geeriyooday dalka Turkiga.

Waxaan Ilaahay uga barayayaa in uu naxariistiisii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, asxaabtii, iyo shacabka Somaliland-na, uu samir iyo iimaan saadiqa ah ka siiyo..AAMIIN...INAALLILAAHI WA INAA ILLEYHI RAAJUCUUN.



Contact@afkashacabka.com