Daawo Afkashacab Tv: Xarunta Dhaqan Celinta Caruurta Derbi Jiifka Ee Sos Ee Magaalada Burco Oo Maanta Loo Qaybiyey Dharkii Ciidka.

0
Thursday July 16, 2015 - 16:34:05 in by Burco Office
  • Visits: 1302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Afkashacab Tv: Xarunta Dhaqan Celinta Caruurta Derbi Jiifka Ee Sos Ee Magaalada Burco Oo Maanta Loo Qaybiyey Dharkii Ciidka.

    Burco(AFKA)Masuliyinta Gobolka Togdheer iyo Degmada Burco ayaa ka qaybgalay Munasibad Dharkii Ciidka loogu qaybinayey Dhalinyarada ku xareysan Xarunta Dhaqancelinta iyo daryeelka Darbijiifta Burco ee SOS, Munasibaddii loogu qaybinayey dharka ciidka w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(AFKA)Masuliyinta Gobolka Togdheer iyo Degmada Burco ayaa ka qaybgalay Munasibad Dharkii Ciidka loogu qaybinayey Dhalinyarada ku xareysan Xarunta Dhaqancelinta iyo daryeelka Darbijiifta Burco ee SOS, Munasibaddii loogu qaybinayey dharka ciidka waxa ka hadlay oo dhalinyaradaasi guubaabiyey una duceyey dadki ku soo kaalmeyey iyo shakhsiyaadka xaruntan gacanta ku haya,


Maayarka Burco Maxmd Murad, Badhasabka Togdheer maxamed muse diriye, Taliyaha boliska cabdi muse iyo Xildhibaan Roda abdilahi xasan oo ka mida golaha deganka finland ayaa iyaguna dhankooda ku amaanay xildhibaan bidhi talabadan wacan ee uu qaaday isla markaana uu ku xarayay darbi jiif badan oo suqa magalada burco

Xildhiban Mubarik Bidhi iyo xusen laki oo ah masuliyiinta gacanta ku haya xaruntan aya iyaguna ka shekeyey waxyabaha ay dhalinyaradan ugu qabtaan xarunta iyo maraaxilkii ay soo martay xaruntu iyago u mahadceliyey dawladda dhexe, dawlada hose, qurbajoga iyo ganacsatada togdheer oo iyagu gacan maaliyadeed ka geystay xaruntan.

Xildhiban mubarik bidhi wuxu si gaar ah u dhaliilay dallada Sonyo oo uu shegay inay agabkii ciidda baalmarisay xaruntay darbijiifta oo ah bu yidhi xarunta keliya ee dhalinyaro lagu dhaqan celiyo waa kale oo carab ku ku dhuftay inuu had iyo jeer ay isku magacabaan urur had iyo jeer u olaleeya dhalinyarada somaliland

Dhinaca kalena Cabdi Cali kildhi oo ka mida qurbajoga Togdheer ayaa Xaqalciid kooban gaadhsiiyey xarunta carruuta aadka u yaryar ee agoomaha ah ee URTAHEGAN, isagoo qurbajooga dhiggiisa ahna ugu baaqay inay il gaar ah ku hayaan xaruntan oo ayku xaraysan yihiin carruur aad u yaryar oo lagu xannaaneyo isla markaasna aan lahayn hooyo iyo aabo toona.

Fosiya Janale oo xaruntaasi madax ka ah iyo xildhiban cabdilaki aya uga mahadceliyay Cabdi Cali kaalmada kooban iyo xaqalciidka uu xaruntan soo gaadhsiyey.




Contact@afkashacabka.com