War Deg Deg Ah: Waxa Lagu Dhawaaqay Inaya Ciida Tahay

0
Thursday July 16, 2015 - 21:13:43 in by Burco Office
  • Visits: 867
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah: Waxa Lagu Dhawaaqay Inaya Ciida Tahay

    Dalalka Islaamka iyo kuwa Khaliijka Qaarkood ayaa ku dhawaaqay caawa inay berri oo Jimco ah tahay Maalin Ciid ah, Waxaana Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta Dowladda Somaaia iyo Somaliland ay ku dhawaaqeeninay berri tahay maalin Ciid ah,iyadoo Masaajido

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dalalka Islaamka iyo kuwa Khaliijka Qaarkood ayaa ku dhawaaqay caawa inay berri oo Jimco ah tahay Maalin Ciid ah, Waxaana Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta Dowladda Somaaia iyo Somaliland ay ku dhawaaqeeninay berri tahay maalin Ciid ah,iyadoo Masaajido ku yaalla Degmooyinka Magaalada Muqdisho Qaarkood laga maqlayo takbiir lagu muujinayo inay berri tahay maalin ciid ah.


Waddamada illaa hadda ku dhawaaqay inay berry tahay maalin Ciid ah ayaa waxaa ka mid ah; Sucuudiga, Turkiga, Kuwait, Lubnaan, Gini, Benin iyo kuwo kale, iyagoo xukuumadda dalalkaas ay ugu baaqeen shacabkooda inay maalinta berri ah ciidaan.

Sidoo kale, dalka Austalia oo ay ku nool yihiin Muslimiin badan ayaa looga dhawaaqay maanta in Berri oo Jimco ah ay tahay maalin ciid ah, waddankaas oo noqday waddankii ugu horreeyay oo muslimiinta ku nool ay ku dhawaaqaan inay berri tahay Ciid.

Muslimiinta caalamka ku nool ayaa 29-kii maalmood ee lasoo dhaafay soomayay, iyadoo bishan ay ka mid tahay tiirarka Islaamka ee qof walba oo Muslim ah laga doonayo inuu soomo, iyadoo muslimiinta ay sannad walba ciidaan laba ciid oo ay qabto diinta islaamka, kuwaasoo kala ah ciidul-fidriga oo ah maalin iyo ciiddul-adxa oo ah saddex maalmood oo ciid ah.

Dalal caalamul islaami ka mid ah ayaan weli ku dhawaaqin inay berri ah tahay maalin ciid ah, waxaana sannad walba dalalkaMuslimka ay ku kala duwanaadaan maalinta ciidul-adxa iyo maalinta koowaad ee bisha Ramadaan.