Wasiirkii Hore Ee Arimaha Gudaha Somalland Duur Muxuu Ka Yidhi Siyaasiintii Xisbiga Waddani Iska Casilay ?

0
Thursday July 16, 2015 - 22:38:49 in by Burco Office
  • Visits: 627
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii Hore Ee Arimaha Gudaha Somalland Duur Muxuu Ka Yidhi Siyaasiintii Xisbiga Waddani Iska Casilay ?

    Hargeysa (AFKA) -Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Xukuumadda Madaxweyen Siilaanyo, haatana ka mid ah Hogaanka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Maxamed Nuur Caraale Duur,ayaa markii ugu horaysay ka hadlay Xubno ka tirsan Saraakisha Xisbiga oo sha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (AFKA) -Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Xukuumadda Madaxweyen Siilaanyo, haatana ka mid ah Hogaanka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Maxamed Nuur Caraale Duur,ayaa markii ugu horaysay ka hadlay Xubno ka tirsan Saraakisha Xisbiga oo shalay shaaciyay inay Xilkii iyo xubinimaddii Xisbigaba iska casileen.


Mr. Duur waxa uu sheegay in raggaas is-casilay aya ahaayeen shaqsiyaad karaamo iyo Ixtiraam ku dhex-lahaa Xisbiga,hadda oo ay Xisbiga dabadda ka joogaana ay Xushmad iyo qadarin ka mudan yihiin,isla markaana aanay haboonayn in hadalo deel-qaaf ah lagu yidhaahdo.

waxa uu intaas raaciyay in si furan uu Hogaanka Xisbigu uga wada hadli doonaan sababta ku kaliftay inay go’aankaas qaataan.

waxaa uu sidaas ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa xidhiidhka Bulshadda Facebook-ga,waxaana uu u dhignaa sida tan:

”Weedh ku saabsan Xubnaha iska casilay xilkii iyo xubinimadii xisbiga wadani :
Waxaa dhaqanka siyaasadu noqday inta la wada socdo in lays amaano marka la kala baydhona lays caayo ama leys aflagaadeeyo , hadaba waxaan halkan ku cadaynayaa in taasi tahay caado xun , Xubnaha ka tegay xisbigana ay ahaayeen rag sharaf iyo karrramo lahaa welina leh sharaftii ay shalay lahaayen mana geyaan xumaan rayigoodana waa u xor .Doonta xisbiga WADANI waa mid socota soconaysa. Sababta is casilkooda waa is waydiin doona Waxa keenay” .ayuu hadalkiisa kusoo xidhay Mr. Duur.