SAKAATUL FIDRI. W/Q: C/RAXMAAN CLAAHI WIRDAANI

0
Saturday July 18, 2015 - 08:17:05 in by salman abdi
  • Visits: 1689
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAKAATUL FIDRI. W/Q: C/RAXMAAN CLAAHI WIRDAANI

    Sakaatul fidriga maxaa loo yaqaan?, qaabkee ayaa loo bixinayaa?, cidda la siinayo sakadu waa ayo?, halka lagu bixinayo waa halkee?,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sakaatul fidriga maxaa loo yaqaan?, qaabkee ayaa loo bixinayaa?, cidda la siinayo sakadu waa ayo?, halka lagu bixinayo waa halkee?,

su’aalahaa iyo wixii kale ee la hal maala ayeynu isku dayeynaa inaynu ka jawaabno wixii la hal maala.

SAKAATUL FIDRI
Waa waajib in la bixiyo sida uu cadeeyay Nabigeeni suubanaa (NNKHH), waxayna ku waajibtaa qofkii heli kara xeliga ay waajibto wax ka badan quudkiisa iyo quudka dadka uu masuulka ka yahay, waxayna ku waajibaysaa qof kasta oo Muslim ah Xor, Adoon, Lab, Dhadig, qof wayn iyo qof yarba, dadka dhintay ka hor xeliga ay waajibtay ama dhasha ka dib lagama rabo wax sakaatul Fidriya.

XILIGA AY WAAJIB NOQONAYSO.
Marka laga bilaabo qorax dhaca maalinta ugu danbeysa bisha Ramadaan,waxaana Fidrada bixinteeda ku egtahay marka la tukado salaada Ciidda, waxaana la bixin karaa maalin ama laba maalin ka hor dhamaadka Ramadaanka.
QADARKA LA BIXINAYO QAABKA LOO BIXINAYO.
Inta la bixinayo culimadu waxay ku qiyaaseen 2500gr, waxaana la bixin karaa cuntooyinka aynu isticmaalno sida Bariiska ama daqiida oo kale, waana la bixin karaa dhamaan noocyada kala duwan ee cuntada, qaabka loo bixinayo waxa weeyi in qofka siin karo Fidrada hal ruux ama dad fara badan, mana jirto xili loo bixinaayo hab gaar ah.
MAXAA LOOLA JEEDAA SAKAATUL FIDRIGA.
Sabata loola jeedaa waa in ay kab u noqoto wixii gaf ahaa ee ka dhacay ruuxii soomanaa, iyo in ay u noqoto raashin Masaakiinta iyo Fuqiirada Muslimiinta si ay uga kaaftoomaan baahnaantii haysay maalinka farxadna la wadaagaan umaddooda muslimka ah.
YAA LA SIINAYAA.
Waxa la siinayaa Masaakiinta iyo Faqiirada Muslimiinta oo kaliya, lamana siinyo kuwa uu quudkooda kuugo waajibo, waxaase la siin karaa qaraabada kale iyo Masaakiinta Muslimiinta guud ahaan, mana banaana sakada Fidriga in ruux aan Muslim aheyn la siiyo sadaqooyinka kale loo siiyo Dadka aan muslimka ahayn.
HALKEE LAGU BIXINAYAA.

Sakaatul fidriga waxa uu qofku ku bixnayaa halka ama waddanka uu markaa jooga taas ayaan waajib ku ah, laakiin hadii uu halkaa ka waayo masaakiin uu sakadda siiyo waxa uu usoo dirayaa halkii uu ku tuhmayo maskiin muslim ah.
BARAARUJIN.
Dadkeena dibadda ku maqan ee Qurba joogta ah hadii ay doonayaan inay dalka gaadhsiiyaan sakada Fidriga waa inay dhaqso u sii dhiibaan lacag ahaan hadba inta ay ku qiimeeyaan qarash ahaan Culimada joogta dalalka ay ku nool yihiin si loo soo gaadhsiiyo dadkii loogu talagay ee u baahnaa sakada fidriga.
Sakaatul fidrigu waajib ayey ku tahay qofkasta oo muslima sidaynu soo tilmaanay, dadkeenuna way bixinayaa runtii si fiican, laakiin waa inay iska ilaaliyaan wax yaabaha yaryar ee dhib u gaysan kara sakadaa aad la baxayaan.



 W/Q: C/RAXMAAN CLAAHI WIRDAANI
HARGEYSA SOMALILAND