Dagaal Culus oo Ciidamada Dowladda Somalia & Ahlusunna ku dhex-maray Gobolka Galgaduud

0
Sunday July 19, 2015 - 21:17:22 in by Burco Office
  • Visits: 790
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Culus oo Ciidamada Dowladda Somalia & Ahlusunna ku dhex-maray Gobolka Galgaduud

    Muqdisho(AFKA)Dagaal khasaare nafeed dhaliyay ayaa maanta ku dhex-maray deegaan ka tirsan Gobolka Galguduud ee bartamaha Somalia Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xoogag ka tirsan Culummaa'uddiinka Ahlusunna Waljamaaca.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA)Dagaal khasaare nafeed dhaliyay ayaa maanta ku dhex-maray deegaan ka tirsan Gobolka Galguduud ee bartamaha Somalia Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xoogag ka tirsan Culummaa'uddiinka Ahlusunna Waljamaaca.


Wararka laga helayo Gobolka Galguduud ayaa sheegaya in dagaalku uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Laandheer, inkastoo haatan uu dagaalku joogsaday, xaaladduna ay degen tahay xilligan.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in Dagaalku uu Qarxay markii Ciidammo uu la socday Taliyaha Xerada 21-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka, Sulub Axmed Diiriye ay Weerareen xoogag ka tirsan Ururka Ahlusunna.

Ciidamadii Dowladda Somalia ee uu watay Taliye Sulub ayaa la sheegay inay ka gudbeen deegaankii lagu dagaalamay, iyagoo kusii jeeday degmada Cadaado oo ay ku sugan yihiin mas’uuliyiintii dowladda ee Gobolka Galguduud.

Illaa hadda ma jiro mas’uul ka tirsan Dowladda Somalia iyo Ahlusunna oo si rasmi ah uga Hadlay Dagaalka maanta ku dhex-maray Ciidamadooda Gobolka Galgudud ee Bartamaha Somaaliya.



Ayaanle Xasan Saleebaan
Afkashacaka.com
Mudihso/Office
Contact@afkashacaka.com