Wasiirka Diinta Oo Sagootiyay Culimo Ka Socotay Jaamacatul Az-Har Oo Socdaal Ku Yimid Dalka Dhowaan

0
Monday July 20, 2015 - 10:24:29 in by salman abdi
  • Visits: 762
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Diinta Oo Sagootiyay Culimo Ka Socotay Jaamacatul Az-Har Oo Socdaal Ku Yimid Dalka Dhowaan

    Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaali Axmed ayaa sagootis qiimo badan ku sii macasalaameeyay Culimo ka socotay Jaamacatul Al-Azhar oo booqasho rasmi ah ku joogay Somaliland muddooyinkii u danbeeyey ka dib marti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaali Axmed ayaa sagootis qiimo badan ku sii macasalaameeyay Culimo ka socotay Jaamacatul Al-Azhar oo booqasho rasmi ah ku joogay Somaliland muddooyinkii u danbeeyey ka dib marti qaad ay ka heleen Xukuumadda Somaliland.


Culimada ka socotay Jaamacatul Al-Azhar oo ka koobnaa lix Sheekh dalkana ku sugnaa muddo bil ah ayaa intii ay dalka joogeen waxaa ay la kulmeen oo qaabilay Madaxwynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo una sameeyay casuumad sharafeed uu culimada ku qaabilay.

Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil oo culimdan dalka ku soo casuumay ka dib markii uu Sheekha Az-Har Ahmed Al Teyb oo loo gudbiyay marti qaadka Somaliland Culimada Jaamacadda u fidisay uu ku soo diray lix Sheekh oo intii ay ku sugaayeen Somaliland soo maray deegaano badan oo dalka ah kana soo qabtay muxaadirooyin diiniya.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil oo markii uu sagootiyay Weftiga Culimada ah ayaa sheegay in ay Culimada AZ-Har u soo marti qaadeen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Somaliland iyo jaamacadda ugu faca weyn caalamka Islaamka iyo sidii ay iskaashi buuxa u wada yeelan lahaayeen Culimada Somaliland iyo Az-Har.

Waxaanu Wasiir Khaliil intaa ku daray in Culimada ka socotay Az-Har in ay dhankoga balan qaadeen in marka ay Az-Har ku noqdaan ay si dhab ah uga warami doonaan xaqiiqada runta ah ee ka jirta Somaliland iyo in aanay ahayn Somaliland gobol ka mid ah Soomaaliya laakiin ay tahay dal Madaxbannaan oo ka mid ah Jaamacatul Az-Har iyo caalamka Islaamka loona baahan yahay in sidaas Caalamka Islaamu u ogaadaan in ay kala jiraan Somaliland iyo Soomaaliya oo laba dal ah oo ku kala duwan dawladnimada iyo qalalaasaha oo ay ku kala suntan yihiin.

Waxaa kale oo ay C kooban suumadda Culimada Az-har ku timi lix sheekh oo ka yimi jaamacatul Az-har oo uu soo diray sheekh Azhar oo Somaliland ku sugnaa hal bil, ka dib markii ay ka heleen martiqaad rasmi ah Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed waxay muxaadarooyin iyo khudbado kala duwan ka galeen masaajido kala duwan oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Somaliland sida Hargeysa , Borama . Gebilay

.Wasiirka Diinta Oo Sagootiyay Culimo Ka Socotay Jaamacatul Az-Har Oo Socdaal Ku Yimid Dalka

Culimada Az-Har ee marti qaadka ku timi ayaa intii ay dalka joogeen waxaa casuumad sharafeedyo kala duwan ku maamuusay Madaxweyne Siilaanyo,Wasiirka Awqaafta,Maayer ku-xigeenka caasimadda Hargeysa,Sheekh Maxamed Cali Geedi iyo Sheekh Maxamed Aadan.

Culimada reer Az-Har ayaa dalka ka dhoofay iyagoo ku faraxsan socdaalka ay ku yimaadeen Somaliland iyo sidii qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland ugu soo dhaweeyeen deegaamadii ay booqashada ku tageen mudadii bisha ahayd ee ay joogeen.