Daawo: Guddomiye Ramaax Oo Hadhimo sharafeed Qado ah u sameeyey Madaxweynihii Hore somaliland Dahir rayaale kahin

0
Monday July 20, 2015 - 10:29:31 in by salman abdi
  • Visits: 858
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Guddomiye Ramaax Oo Hadhimo sharafeed Qado ah u sameeyey Madaxweynihii Hore somaliland Dahir rayaale kahin

    Badhasaabka Gobolka AWDAL Maxamud Cali Saleban Ramaax ayaa Qado Sharaf U Sameeyey Madaxwaynihii Hore Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo muddooyinkii Danbeeyey Joogay Gobolkiisa Awdal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Badhasaabka Gobolka AWDAL Maxamud Cali Saleban Ramaax ayaa Qado Sharaf U Sameeyey Madaxwaynihii Hore Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo muddooyinkii Danbeeyey Joogay Gobolkiisa Awdal.

Badhasaabka gobolka AWDAL, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa shalay qado sharaf ku maamusay Madaxwaynihii hore ee Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Magaalada Borama.
Badhasaabka Awdal, ayaa sheegay inay waajib Qaran ku tahay inuu casuumo Madaxwaynihii hore ee dalka, maadaama buu yidhi aan masuul ka ahay gobolka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo.
Guddoomiye Ramaax oo hadal kooban ka jeediyay casuumaddaasi oo ay ka qayb-galeen Madaxda dhaqanka ee gobolka Awdal, Maayarka Borama, aqoonyahan iyo waxgarad tiro badan, ayaa sheegay in taariikhda uu Daahir Rayaale ku leeyahay Somaliland tahay mid aan la iloobin Karin, sidaa daraadeedna ay ixtiraam badan u hayaan.

Rayale
"Madaxwaynihii hore ee dalka oo inoo yimid inaynu marti-qaadno runtii waa waajib, qiimaha iyo sharafta uu innagu leeyahay inaynu ogaano weeye runtii, markaa maadaama oo gobolkii uu u dhashay aan masuul ka ahay waajib qaran bay igu tahay inaan casuumo” ayuu yidhi, Guddoomiye Ramaax oo intaasi ku sii daray inuu wixii talo iyo tusaale ah ka qaadanayo Md. Rayaale "Tan (Casuumaddan) oo kaliyana maaha’e aanu isku dambayno (Rayaale) oo talo, tusaale iyo waano badanba waanu ka qaadan doonaa, maadaama oo uu yahay Rug caddaa dalka u soo taliyey, wax badan oo innaga qarsoonna og”
Badhasaabka Awdal, waxa uu sheegay "Taariikhda uu Daahir Rayaale ku leeyahay Somaliland ama waxa uu gobolka Awdal ka yahay dalku maaha mid la iloobi karo, mana aha mid aan daqiiqad ama laba daqiiqo ku dhamayn karayo….”ayuu hadalkiisa ku soo koobay Badhasaabka gobolka Awdal oo casuumadda u sameeyay Daahir Rayaale Kaahin.

Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud, Prof, Saleebaan Axmed Guuleed oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa amaanay Mustawihii ama heerkii uu dawladnimada Somaliland gaadhsiiyey Madaxwayenihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin, waxaanu tilmaamay inuu xukunka wareejiyey Somaliland oo Qarannimadu ka sareyso Qabiilka.
Prof, Saleebaan Axmed Guuleed, wuxuu sheegay in Madaxwayne Rayaale uu xukunka ka degay iyadoo shacabka reer Somaliland mideysan yihiin isla-markaana la wada taagan yahay Qiyam ah Qarannimo, taasina tahay shaqo wanaagsan oo uu dadka uga tagey, ilaa maantana dadweynuhu ku amaano.
Prof, Guuleed oo arrimahaa ka hadlaya yidhi "Wuxuu soo kordhiyey (Rayaale) dawlad ixtiraamta cilmiga iyo aqoonta, dadku mid u yahay, dadku heer Qaran wada yahay, Qabiilkuna aanu hoos ahayn (Ilaa hoosta soconin)…”
Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud, waxa uu sheegay in dadweynaha reer Somaliland wali xasuusan yihiin Qiyamkii iyo midnimadii uu dalka kaga tagey "Waana arrin la xasuusan yahay, waayo ilaa maanta qof kastaaba wuxuu ku leeyahay Madaxwaynahaasi (Rayaale) wuxuu dalka kaga tagey qiyam la wada taagnaa heer Qaran..” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray in wanaagga laga sheegayo Rayaale ay u arkaan sharaf "Markaa waxaan leeyahay Madaxweyne waxaad nagaga tagtay sharaf..”
Markaasi ka dib, waxa hadalka qaatey Madaxwaynihii hore ee Somaliland, Md. Rayaale waxaanu ka mahad-celiyey casuumadda uu badhasaabku u sameeyay .
"Aad baan ugu Mahad-naqayaa Guddoomiyaha AWDAL oo kulmiyey aqoonyahanka, waxgaradkii, culimadii iyo Salaadiintii gobolkan ee igu sharfay marti-qaadkan, isagoo masuul ka ah (Guddoomiyuhu) gobolkaygii aan u dhashay” ayuu yidhi, Daahir Rayaale Kaahin oo halkaasi ka jeediyay dalka kooban, waxaanu intaasi sii raaciyey "Reer Awdal waxaan u ahaa astaan ee waxaan ILAAHAY ka baryayaa inaad halkii ka sii waddaan. Nabad iyo taariikh baad samayseen, taariikhdaasi yaanay idinka lumin baan leeyahay oo halkeeda mariya”
Madaxwaynihii hore, wuxuu ka Alle baryey Abaarta ka jirta meelo Somaliland ka mid ah ka taagan, waxaanu isku duubni iyo midnimo u rajeeyay reer Somaliland, gaar ahaan reer Awdal "ILAAHAY dhibaatada abaarta ha innaga saaro. Umadda waxaan u rajeynayaa inay geediga horumarka halkeedii ka soo waddo, khayr baynu ILAAHAY ka rajeynaynaa, isku duubni iyo inaad iska waanisaan oo aad iska dardaartaan waxa xun ayaan idinkula talinayaa…”ayuu yidhi, oo hadalkiisa ku soo afmeeray Madaxwaynihii hore ee Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin.
Casuumadda waxa ka qayb-galay Wasiirka wasaaradda boosaha iyo iskaadhsiinta Somaliland, Maxamed Jaamac Abgaal, inkasta oo aanu wax hadal ah ka jeedin halkaasi.