Maxamed Murzi oo Warqad ka Qiiraysiisay Shacabkiisa ka soo Diray Xabsiga Gudihiisa iyo Warbaahinta Masar oo Si weyn U Daabacday

0
Monday July 20, 2015 - 12:16:28 in by salman abdi
  • Visits: 747
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamed Murzi oo Warqad ka Qiiraysiisay Shacabkiisa ka soo Diray Xabsiga Gudihiisa iyo Warbaahinta Masar oo Si weyn U Daabacday

    Madaxweynaha Xasbiga ku jira ee Dalka Masar laga inqilaabay Maxamed Mursi, ayaa munaasibaddii ciidul-fidriga shacabkiisa usoo diray waraaq uu kaga hadlay xaaladda dalkiisa, isla-markaana ku dhiirrigelinayo dadkiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Xasbiga ku jira ee Dalka Masar laga inqilaabay Maxamed Mursi, ayaa munaasibaddii ciidul-fidriga shacabkiisa usoo diray waraaq uu kaga hadlay xaaladda dalkiisa, isla-markaana ku dhiirrigelinayo dadkiisa.

Maxamed Musri ayaa Shacabka Masar u diray fariin isugu jirta Cod iyo qoraal oo uu soo dhigay boga uu Aallada Fecebook ku leeyahay waxa uuna taageereyaashiisa ugu baaqay inay sii wadaan kacdoonka ay kaga soo horjeedaan xukuumadda Militariga ee C/fitaax Al-sisi, taas oo si sharci darro ah xilkaas ku qabsatay.

Qoraalka Mursi ayaa waxaa kamid ahaa: "Kacdoonkeenu wuu socday, waanuu soconayaa isagoo samayn doona isbedello taariikhi ah. Masar garbaha ayaan ku qaadeynaa hadafkeena cidna ma hor istaagi doonto dhiig iyo daaro ayaan ku waayi doonaa’’

Mursi waxa uu sheegay in xarigiisa iyo xakunka lagu riday uu miijinaayo meesha ay kusii socto Masar, waxa uuna shacabka kula taliyay inay laba jibaaran kacdoonka socda.” Ayuu ku yidhi Mursi Qoraalkiisa.

Qoraalkiisa Madaxweyne Mursi ayaa waxaa uu ka dambeeyay iyadoo maalmihii lasoo dhaafay dunida carabta aad looga hadal hayay war sheegaya in maalinta ciida la dal dali doono, hase ahaatee arrintaasi ayaa u muuqata in ay ka laabatay xukuumadda Abdifatax Sisi.

Dalalkii hor boodayey Dagaalkii xilka lagaga qaaday Madaxweyne Mursi oo ay sucuudiga iyo Imaaraadku kaw ka ahaayeen, ayaa ugu dambayntii militeriga Masar ku amray inay ka noqdaan Deldelaaddii loola diyaarsanaa Madaxweyne Mursi, waxase wali halkoodii taagan dembiyadii been abuurka ahaa ee hore loogu soo oogay.




Contact@afkashacabka.com