Guddomiye Cirro oo Shahaado sharaf Guddoonsiiyey Boobe Yusuf Ducale iyo Sababaha uu ku muttaystay oo uu sheegay

0
Tuesday July 21, 2015 - 09:30:47 in by salman abdi
  • Visits: 751
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddomiye Cirro oo Shahaado sharaf Guddoonsiiyey Boobe Yusuf Ducale iyo Sababaha uu ku muttaystay oo uu sheegay

    Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro) ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey Xoghayaha Xisbigaas ee dhinaca Warfaafinta,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro) ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey Xoghayaha Xisbigaas ee dhinaca Warfaafinta,

 Boobe Yuusuf Ducaale oo uu sheegay inuu ka dhabyahay shaqada uu Xisbiga u hayo waxaana uu ku tilmaamay shakhsi hawlkar ah.
Guddoomiye Cirro oo ka hadlay sababta keentay in shahaado sharaf lagu maamuuso Boobe Yuusuf Ducaale ayaa yidhi "Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale waa shaqsi hawl karnimo iyo dedaal leh waa masuulka xarunta xisbiga ugu hor yimaada markii uu wasiirka ahaana sidaas uun buu ahaa ee malaa dawladu dadka dadalka badan leh la col bey tahay "

wadag-iyo-wadani

Boobe Yuusuf Ducaale ayaa had iyo jeer soo saara qoraalo uu ku caayayo Xukuumadda Somaliland iyo Madaxwayne Siilaanyo gaar ahaan waxa uu badanaa ka hadlaa waxyaabaha la xidhiidha habdhaqanka Xukuumadda oo uu aad u dhaliilo, halka mararka qaarkoodna uu ku tiraabo hadalo dhaawacay sharafta Madaxwaynaha, bal u fiirso hadalkan uu kaga jawaabay baaqii uu Mucaaridka u jeediyey Wasiir Cali Warancadde oo uu kaga dalbanayo inay qayb ka noqdaan sidii golaha guuritda loogu qancin lahaa inay aqblaan heshiiska Mucaaridka iyo Xukuumadda waxaana uu yidhi isagoo arrintaas ka jawaabayana waxa uu yidhi” Cali Warancadde waxba nooguma baai karo oo dadka taladu ka go’d ka mid maaha” tiraabtaas ayaa laga dheehan karaan Naxliga uu boobe Yuusuf Ducaale u hayo Madaxwaynaha iyo Qoyskiisa, isagoo ula jeeda in dalkan ay kooxi ka taliso.
Sidoo kale Boobe Yuusuf Ducaale ayaa ah Masuulkii ugu horeeyey ee si adag u dhaliilay Xukuumadda isagoo ka tirsan WADDANI, hab qoraalkiisa oo aad u fiican iyo dhaliilaha xukuumadda oo uu dhiirayahay ayaa ka mid ah sababaha rasmiga ah ee uu ku mutaystay shahaado sharaftan.