Kooxda Dortmund Oo Beenisay In Marco Reus Markale Dhaawac Halis Ah Soo Gaaray

0
Tuesday July 21, 2015 - 10:59:19 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Dortmund Oo Beenisay In Marco Reus Markale Dhaawac Halis Ah Soo Gaaray

    London(AFKA)Warbixin cusub ayaa lagu sheegay in weeraryahanka xulka Jarmalka Marco Reus uu dhaawac cusub soo gaaray xili uu kooxdiisa xili cayaareedka cusub iskula diyaarinaayo. Balse naadiga Dortmund ayaa si rasmi ah u beenisay in Marco Reus uu xaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London(AFKA)Warbixin cusub ayaa lagu sheegay in weeraryahanka xulka Jarmalka Marco Reus uu dhaawac cusub soo gaaray xili uu kooxdiisa xili cayaareedka cusub iskula diyaarinaayo. Balse naadiga Dortmund ayaa si rasmi ah u beenisay in Marco Reus uu xaalad halis ah ku sugan sidoo kalena waxay ku tilmaantay in jug yar ay xidigan soo gaartay.


Taageerayaasha Dortmund ayaa walaac xoogan qabeen balse qoraal rasmi ah oo ay kooxdan barta Twitter-ka soo dhigtay ayaa lagu sheegay in xidiagn jug iska sahlan ay lugta kasoo gaartay.

Sidoo kale macalinka Thomas Tuchel ayaa sheegay in Reus uu tababarka kooxda kasoo muuqan doono sida uga dhaqsiyaha badan sidoo kalena aysan jirin xaalad laga walaaco.

Dhinaca kale agaasimaha Dortmund Michael Zorc ayaa si rasmi ah u sheegay in kooxdiisa ay keeni doonto badalka Ciro Immobile oo dhawaan qaab amaah ah naadiga Sevilla ku aadan wuxuuna yiri "Marnaba ma dhihin weeraryahan kale uma baahnin”

"Waa qasab inaan badalka Ciro Immobile lasoo saxiixano madaama aan tartamo kala duwan cayaari doono xili cayaareedka cusub”


Shaafici Ismaaciil Sheekh
afkashacabka.com
London/Office
Contact@afkashacabka.com