Guddoomiye Cirro Iyo Xasan Guure Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Sababta Keentay Shirweynaha Mucaaradka

0
Tuesday July 21, 2015 - 15:37:09 in by Burco Office
  • Visits: 490
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Cirro Iyo Xasan Guure Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Sababta Keentay Shirweynaha Mucaaradka

    Hargeysa(AFKA)Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Guddoomiyaha Madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka Somaliland Xasan Guure Jaamac ayaa sheegay in walaac dhanka saasadda ah oo dalka ka jiraa keen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(AFKA)Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Guddoomiyaha Madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka Somaliland Xasan Guure Jaamac ayaa sheegay in walaac dhanka saasadda ah oo dalka ka jiraa keenay shirka Mucaaradka.

Guddoomiye Cirro, ayaa sharaxay sababaha keenay Shirka isbahaysiga Mucaaradku iclaamiyay "Maadaama aanay xukumaddu doorasho qaban karayn ama aanay diyaar u ahayn inay qabato, maadaama muddo xileedkeedu gabaabsi yahay, wadankana uu jiro walwal badan, mid siyaasadeed, mid dhaqaale, mid amni, waxay noogu muuqatay talo umaddeed in la helo oo lagaga baxo xaaladdan aynu ku jiro, markaa sidaas darteed ma jiro xeer ama sharci u diidaya in asxaabtu shirto oo tashato oo umaddana talada ka qayb galiso si umadda loo badbaadiyo” ayuu yidhi Mudane Cirro.

11200803_989312157781145_404896550557340272_n
Xasan Guure Jaamac, guddoomiyaha madasha wadatashiga Somaliland ayaa isna tilmaamay in shirka mucaaradku hirgalayo haddii xukumaddu jeclaysanayso iyo hadday neceb tahayba "Shirku wuu qabsoomayaa haddii xukumaddu jeceshahay iyo hadday neceb tahayba. Haddii cududi timaado, cududii Maxamed Siyaad Barre-ba socon wayday.cudud soconaysaa ma jirto, cidda taas qabtaana candhuufteeda ayay dib u liq,” ayuu yidhi Xasan Guure.

Guddoomiyaha madasha ayaa ku dooday in lexejeclo badan oo ay qabeen ay u sameeyeen tanaasulaad badan balse aanu xukumaddu dalka dan ka lahayn "Hore waxaan u idhi hadday gaadho 27-ka July, aniga iyo Madaxweyne Siilaanyo kursiga ma kala xigno, Waayo?, isaga muddo ayaa la doortay, 27-ka hadday gaadho wakhtigii la doortay maaha ee way ka dhammaatay”