Madaxweynaha Dawlada Somaliya Oo Maanta Dhagax Dhigay Xaruntii Akademiyadda Cilmiga,Fanka Iyo Sugaanta Ee Magaalada Muqdisho+Sawiro

0
Tuesday July 21, 2015 - 15:44:17 in by Burco Office
  • Visits: 675
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Dawlada Somaliya Oo Maanta Dhagax Dhigay Xaruntii Akademiyadda Cilmiga,Fanka Iyo Sugaanta Ee Magaalada Muqdisho+Sawiro

    Muqdisho(AFKA)Madaxweynaha dawlada Federalka ah ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dhagax dhigay xarunt Akademiyadda Cilmiga,Fanka Iyo Sugaanta ee Somaliya oo burbur kasoo gaadhey dagaaladii dalka ka dhacay. Akadeemiyadda Cilmiga,Fanka iy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(AFKA)Madaxweynaha dawlada Federalka ah ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dhagax dhigay xarunt Akademiyadda Cilmiga,Fanka Iyo Sugaanta ee Somaliya oo burbur kasoo gaadhey dagaaladii dalka ka dhacay. Akadeemiyadda Cilmiga,Fanka iyo Sugaanta ayaa hore u ahayd hoygii qoristii Af Soomaaliga,Cilmi Baadhista dhinaca Dhaqanka,hinddaha iyo kaydinta dhaqanka iyo taariikhda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa halkaasi ku dhagax dhigay dhismahaasi,isaga oo sidoo kalena hadal kasoo jeediyey munaasibadaasi,taas oo uu sheegay in dhismahani uu ugu fadhiyo dalka qiime balaadhan,waxaanu isaga oo madaxweynuhu arrimaahasi ka hadlaaya yidhi ‘’ Ummad aan garaneyn meesha ay ka timid, taariikhdeedi, hore, hiddaheedii iyo waxa ay leedahay, waxaa ku adag inay qaabeysato mustaqbalkeeda. Sidaa darted waxaan aad ugu faraxsanahay in dib loo soo nooleeyo akademiyaddii aanu lahayn, diyaarna waxaan u nahay inaan awooddeena oo dhan isugu geyno’’.

‘’ Ummad aan garaneyn meesha ay ka timid, taariikhdeedi, hore, hiddaheedii iyo waxa ay leedahay, waxaa ku adag inay qaabeysato mustaqbalkeeda. Sidaa darted waxaan aad ugu faraxsanahay in dib loo soo nooleeyo akademiyaddii aanu lahayn, diyaarna waxaan u nahay inaan awooddeena oo dhan isugu geyno’’.

Dhismaha xaruntan ayaa waxa gacan ka geysanaaya hay’adaha CISP iyo OXFAM ,kuwaas oo dawlada ka taageeraaya dhismahaasi.

Munaasibadan waxa madaxweynaha dhagax dhigan kala qayb galay xuno kamid ah dawladiisa iyo golaha Barlamaank,waxa iyaguna goob joog ahaa masuuliyiinta tacliinta sare ee dalkaasi Somaliya.