Ciidanka AMISOM Oo Toban qof oo rayid ah ku dilay degmada Marko ee Gobolka Shabeellada Hoose

0
Tuesday July 21, 2015 - 15:51:08 in by Burco Office
  • Visits: 648
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka AMISOM Oo Toban qof oo rayid ah ku dilay degmada Marko ee Gobolka Shabeellada Hoose

    Ugu yaraan 10 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, tiro kalena waxaa lagu xirxiray howlgal ay Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM saaka ka sameeyeen Xaafaddo ka tirsan degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan 10 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, tiro kalena waxaa lagu xirxiray howlgal ay Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM saaka ka sameeyeen Xaafaddo ka tirsan degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellada Hoose.


Howlgalka ayaa yimid kaddib markii xalay booyad ay leeyihiin ciidankaAMISOM lagu Qarxiyay bartamaha magaaladaas, inkastoo khasaaraha kasoo gaaray uu yahay mid aan illaa hadda la ogeyn.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inay rasaas ay fureen dishay dad badan oo ka mid ah shacabka degmadaas, waxaana dadka la dilay ku jiray waayeel iyo haween qaarkood waddooyinka magaaladaas marayay.

Dad Goob-joogayaal ah oo ku sugan Marko ayaa u sheegay Warbaahinta inay ciidamada AMISOM si kula-tala-gal ah u toogteen dadkan shacabka ah oo 10-qof tiradooda lagu sheegay, wararka qaarna ay gaarsiinayaan 13-qof.

"Qarax weyn ayaan maqalnay xalay, Ma garanayno khasaaraha kasoo gaaray AMISOM… balse rasaas ay fureen xalay iyo howlgallo ay saakay sameeyeen ayay ku illaa dad ka badan 10-qof oo shacab ah,” ayuu yiri Goobjooge Warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan Marko.

Gabar uu abbaaheed ka mid ahaa dadka ay toogteen ciidamada AMISOM ayaa u sheegay iyadana warbaahinta in aabbaheed la dilay isagoo u sii socda Beeraha ka baxsan degmada.

"Aabbahay waxaa toogtay ciidamada AMISOM, waxayna ka toogteen meel aad u fog xilli uu saakay waaberigii kusii socday beer aan ku leennahay meel dibadda ka ah magaalada,” ayay tiri Gabadhan oo aan magaceeda sheegin.

Ugu dambeyn, Xaaladda degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellada Hoose ayaa la Sheegayaa in ay Haatan Kacsan tahay, iyadoo Ciidamaduna ay weli Waddooyinka Gaaf-wareegayaan dadkuna ay guryahooda ku jiraan.

Si kastaba ha ahatee, weerarka ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Al-shabaab oo dagaal kula jirta Dowladda Somalia iyo ciidamada AMISOM. Mana jiro Hadal Weli kasoo baxay AMISOM oo ay kaga hadlayso tallaabadan ay askarteedu ku laayeen dadka shacabka ah.