IGA YAABI JACAYLKII! W/Q: AXMED CALI DIIRIYE

0
Tuesday April 15, 2014 - 09:24:04 in by Super Admin
  • Visits: 1185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    IGA YAABI JACAYLKII! W/Q: AXMED CALI DIIRIYE

    Mar aan waraysi dheer la yeeshay Gudgude oo aan wax ka weydiiyay siduu dumarka ula macaamili jiray iyo wixii uu kala kulmay aya wuxu igu idhi sidan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mar aan waraysi dheer la yeeshay Gudgude oo aan wax ka weydiiyay siduu dumarka ula macaamili jiray iyo wixii uu kala kulmay aya wuxu igu idhi sidan:


"Waxaan fb ga u soo gali jiray si aan ula hadlo gabadh kasta oo online ah. waxaan ku darsan jiray account kasta oo magac dumar leh. Markay I aqbalaan kadib, waxaan dooni jiray in ay khasab igula hadlaan. Tii si dagdag ah iigu so jawaabi weyda ama ila kalaami weydana gaashaanka ayaan u daruuri jiray oo waxaaan damci jiray in aan la dagaalamaba. Waxay iga istaageen khaatin oo qaarkood waxay igala noqdaan ruqsadda saaxiibtinimo ee ay I siiyen (unfriend) halka ay qaar kalena iga xannibaan in aan la hadlaba (block), hablo kalena isma dhibaan’e wey ii aamusaan uun si ay dhibkayga uga nabad galaan.

Bal hadday intaas uun ku koobnaan lahayd’e, waxaaba iga lumay dookhii aan hablaha ku dooran lahaa. Kolba tii yara qurux badnaata haddi kale hadalkeedu I qanciiyo ayuun baan iskala yara hadli jiray. Haddii aan arko mid kasii wanaagsanna waxaan u diga rogan jiray halkaas kale. Dan kamaan lahayn haddii la isoo dhawaynayo iyo haddii kale. Maalinta ay iigu darnaan jirtay waxay ahayd markaan waayo naag ila hadashaba.

ha yeeshe immika wey is badaleen xaaladuhu. Dareenkayga oo dhammi wuxu ku jihaysanyahay hal qof oo kaliyaata waayo waxan ahay nin mustaqbal doon ah Waxay ii gaadhay xilligaan guri yagleeli lahaa oo aan mustaqbalkayga qorshihiisa gali lahaa. Waxaan go’aan ku gaadhay in aan ka baxo noloshan ku salaysan haasaawe aan hawl mooyee maxsuulba aan lahayn.

Tani waxay keentay in aanan la hadlin hablaha ii online ka ah ee aan raadiyo uun qofkaas mashaaciirtayda la wareegay. waxa yaraaday amateedkii aan u hayn jiray in aan chatting la sameeyo hablihii faraha badnaa. Dhinaca kale hablihii waxa ku dhacay yaab iyo amakaag markan hadalkii ka goostay qaar kalena aan ka gaa gaabsaday. Ileen waxay u barteen in aan xiijiyo’e iyagii ayaaba igu badiyay suaalo aan saaloonayn, "ASC, walaal maxaa kugu dhacay maalmahan”, "la islama hadlayo miyaa”,”berigii hore waad noo yara xaraabayn jirtay ee baryahan maxaad damacday” iyo jumlado kale oo aan la soo koobi Karin ayay lasoo wada kan-badhuudhsadeen. Iyaba waa yaabee, waxan filanayay in ay iga raysan doonaan dhogor cusubina u soo bixi doonto laakiin waxaa ii caddaatay in dumarku ay diidaan waxay doonayaan. Nin ay meeli ka madawdahay meel kaleeto aya u cad’e jawaab kooban ayaan siiyaa haddii kale aamustaanta ayaan miciinsadaa.

Inanta aan rabo in aan nolol la wadaago rajo fiican ayaan ka qabaa. Waata sababtay in aan u dhaqmo sidii nin ay masuuliyadi saarantahay . hablaha kale ma daymoodo in aan daawadana iskuma dayo ileen nin xaaslay ah baan iska ahay’e. waxaan iska ikhtiraacday nolol khiyaali ku salaysan oo ka turjumaysa nolol maalmeedka ay dadka is qabaa ku jiraan; waa anigii oo qolkii jiifka ku jira oo hurdo fiican kasoo toosay. Xaajiyadaydii oo igu leh "macaan salaadda u kac” dabadeedna aan sii jeclaysanayo in aanan ka toosin hurdada; waa quraac iyo qado is barkan oo hortayda taala oo loo sameeyay si farshaxannimo ku dheehan tahay; waa anigii oo kasoo rawaxay shaqadii daal badanina iga muuqdo laakin markii si fiican la ii marxabaysiiyay aan ku daal beelay, iwm.

Si aan khiyaalkaa xaqiiq ugu badalo waxaan toos u abbaaray inantaan calman lahaa. Waxaan u sheegtay ujeedadda aan ka leeyahay iyada iyo in aan isla jaan qaadno nolol cusub. Marnaba maan filanaynin in ay qorshahayga ka biyo diidi doonto waayo iyada ayaaba si dadban iigu dhiiri galisay in aan afkayga u kala furo si ay u hesho fursad ay igula dhagax dhigto aqal dhadhaab ka samaysan oo aan weligii dhib soo gaadhaynin. Jawaabtu inay haa noqoto mooyee, maya ba maan soo dhigan meesha. Waxa ilaa hadda ii cuntami la’ inantii ii heellanayd diyaarkana ahayd ee markii hawl mustaqbal lala soo hadal qaaday arrintaas qaadacday!

Ileen nin riyoonayay baan ahaa’e markan soo toosay waxa bartaas ku baa ba’ay mala awaalkii iyo dhalanteedkii ay maskaxdaydu sawiranaysay. Waxaan is weydiiyay sababta keentay in ay inantii igu daadiso. Baadhitaan dheer kadib waxaan ogaaday in hablihii aan berigii hore facebooga ka haasaawi jirnay ay caqabad keeneen. Hadaladii beer la xawsiga ahaa ee aan firaaqada badan een haysto iskaga yarayn jiray ayay indhaheeda ku soo aragtay. Bal adba!

Casharka aan halkaas ka bartay ayaa ahaa noloshaada hore ayaa saamaynaysa noloshaada danbe. Tusaale ahaan, noloshayda hore waxay ahayd mid ku salaysan ciyaar. Sidoo kale waxaana jiray hablo ay ka dhab ahayd sheekadu laakiin maan tix galin codsiyadoodii ku waajahnaa xagga mustaqbalka. Sidaa si lamid ah aniguna markaan mustaqbal damcay waa la iga diiday waayo noloshaydii hore ayaa saamaysay noloshaan hiigsanayay.”




Axmed Cali Diiriye

Student at Ethiopian civil service university

A_asad222@hotmail.com

ALLAA MAHAD LEH