Jawaab: Jacaylkii Lacagbaa Bedeshay!!!w/q Abdiwahab Ismail Yasin(Ganey)

0
Saturday June 04, 2016 - 08:51:48 in by Hargeysa Office
  • Visits: 1811
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Jawaab: Jacaylkii Lacagbaa Bedeshay!!!w/q Abdiwahab Ismail Yasin(Ganey)

    Waxaan ku bilaabayaa magaca Illaahay, Illaaaha naxariis guud iyo mid gaarba naxariista iina suuro galiyey inaan qoro maqaalkan. Marka hore se waa maxay jacaylku?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan ku bilaabayaa magaca Illaahay, Illaaaha naxariis guud iyo mid gaarba naxariista iina suuro galiyey inaan qoro maqaalkan. Marka hore se waa maxay jacaylku?



 Jacaylku waa dareen rabitaan oo qofkasta oo caqligiisu taam yahay soomara noloshiisa inta uu dhalinyarada yahay. Jacylku maaha wax ladoondoono laakiinse waa labeeraa ama wuxuu kadhashaa aragtida labo ruux.

Haddaba jacaylku waa uu noocyo badan yahay lakiin waxaan wax ka odhandoonaa jacaylka ay isuqaadaan wiil iyo gabadh, anigoo ka jawaab celinaya su’aashii ahayd "Jacaylkii maxaa bedelay”.


 Waagii hore jacaylku marxalado kala duwan ayuu soo marijirey, oo wiilka iyo gabadhu midba midka kale ayuu imtixaamijiray iyagoo hubinaaya in midba midka kale uqalmo iyo inkale. waxaana ay wiilka iyo gabadhu isku xulan jireen sida tan:-                                                    

v Diin iyo Dhaqan maleedahay

v Dabeecad maleedahay

v Dulqaad maleedahay

v Dadaal maleedahay

v Daacad matahay

Waxa ay wada qaadan jireen waqtidheer si midba midka kale dabeecadihiisa iyo dhaqankiisa wax uga ogaado, kadib haddii ay isku qancaan oo ay is fahmaan inay wada noolaan karayaan ayey bilaabijireen sidii ay mustaqbal usamaysan lahayeen kana tashan jireen aayahooda  dambe iyagoo aan wax shuruuda isku xidhayn.

Laakiin maanta jacaylkii lacagbaa bedeshay oo booskii jacaylka buuxisay, furaha jacaylka maanta waa lacag, waayo hablaha maanta wiilka waxay ku xushaan waa lacag wiilkuna gabadha waxuu ku xushaa waa qurux.

 

Haddii aad lacag haysato inan qurux badan baad hal habeen baran kadibna markay lacagtaada aragto ayey ku jeclaan sidaa ayay kugu raaci berri markay lacagtii farahaaga kabaxdo ayaad isfahmiwaayeysaan oo iyana farahaaga kabixidoontaa ileen lacag bay kugu raacdee.

 

Waxaa layaableh oo ku tusaysa in jacaylkii lacagi bedeshay waxaad arkaysaa marka uu wiil soo doono gabadh waxaa gabadha ehelkeedu ama asxaabteedu waydiinayaan su’aalahan:-

v Ninku gaadhi malee yahay? (Verossa ma wataaaaa)

v Lacag mahaystaa? (farxiya mahayaaaaa)

v Muxuu kashaqeeyaa? (haayad ma ushaqeeyaaaaa)

Dhamaan su’aalahaas waxaa kaaga dhadhamaya lacagwax jacaylina kama muuqdo sidaa darteed waxaan odhan karaa "jacaylkii lacagbaa bedeshay”.


Waxa kale oo tusaale cad u ah in jacaylkii lacag bedeshay waxad arkaysaa nin ayaa debeda ka imanaya kadibna inan aanu aqoon weligiina sawirin ayuu soo doonayaa isagoo garab buuxa kahelaya waalidka inanta waxaa kaloo layaaba inaan inanta waxba laga weydiin mustaqbalkeeda inay ninka ogashahay iyo inkale toona waxa ay soo jeedisana lagama dhagaysto ee habaar iyo duco aan loo meel dayan ayaa lakala dooransiiyaa. Mararka qaar inantu wax suaal ah kama sooceliso ee hore ayay karaaacdaa ninka, taasina waxay kutusaysaa in guurkii jacaylku furaha u ahaa ay lacagi bedeshay oo fure u noqotay

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Akhriste wixii talo iyo tusaale ah waxaad iigu soo dirikartaa ciwaanada hoos ku xusan:

 

 

W/Q: Abdiwahab Ismail Yasin (Ganey)

Gmail:abdiwahab.2003@gmail,com

Email:Arafat.ismael@live.com

FB: Abdul-wahab ishma’el