Tababare Antonio Conte Oo Xiddigaha Chelsea Ka Mamnuucay Cunista Pizza-ha Iyo Cabida Cabitaanada Fudud.

0
Friday August 12, 2016 - 10:09:15 in by Burco Office
  • Visits: 815
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababare Antonio Conte Oo Xiddigaha Chelsea Ka Mamnuucay Cunista Pizza-ha Iyo Cabida Cabitaanada Fudud.

    Antonio Conte ayaa ka mamnuucay ciyaartoyda Chelsea inay raashiin ku cunaan yaanyada la shiiday ee Ketchup.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Antonio Conte ayaa ka mamnuucay ciyaartoyda Chelsea inay raashiin ku cunaan yaanyada la shiiday ee Ketchup.


Ciyaartoyda kooxda Blues ayaa sidoo kale laga mamnuucay Pizza iyo cabitaanada fudud taasoo qeyb ka ah sharciyo adag oo dhanka cunada ah oo uu soo rogay tababaraha Talyaaniga.

Macalinka Talyaaniga oo 47 sanno jir ah ayaa doonaya inay cunno caafimaad leh qaataan ciyaartoydiisa islamarkaana ay taam ahaanshahooda ilaaliyaan ka hor xilli ciyaareedka cusub.

Ciyaartoyda Chelsea ayaa ku soo laabanay xarunta tababarka ee Cobham iyadoo wax laga bedelay cunadii loo diyaarin jiray oo laga saaray cunooyinka cadiinta leh iyo kuwa sokorta leh.

nintchdbpict000258202999-e1470901499432

Ciyaartoyda Chelsea ayaa waxaa dhaqan u ahaan jirtay inay cunaan Pizza ka dib marka ay ciyaar soo dhameystaan laakiin Conte ayaa diiday warkaas, inkastoo tababarayaashii ka horeeyay ay ogolaadeen.

Pep Guardiola ayaa sharciyo kuwaan la mid ah ka hergeliyay Manchester City waxa uu xitaa sameeyay meel tababar oo gaar u ah ciyaartoyda uu miisaanka ku kordhay.

Macalinkii hore ee Juventus Conte ayaa kordhiyay shaqada tababar ee kooxda si ay ciyaartoydiisa u noqdaan kuwa diyaar u ah xilli ciyaareedka cusub, mana jirto cabasho ilaa iyo haatan ka timid ciyaartoyda sida ay sheegtay The Times.

Xaqiiqdiina, Cesc Febregas ayaa doonayay inuu soo jiito tababarihiisa cusub waxaana uu soo gaabiyay fasixii uu ku maqnaa si uu ugu soo laabto tababarka xilli hore.