Ninkii Maleegay Weerarkii Makhaayadda Bangaladhesh Oo La Dilay.

0
Sunday August 28, 2016 - 09:11:50 in by salman abdi
  • Visits: 589
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ninkii Maleegay Weerarkii Makhaayadda Bangaladhesh Oo La Dilay.

    Booliiska dalka Bangladesh ayaa sheegay in ay dileen ninkii looga shakisnaa in uu maleegay weer hore oo ka dhacay kafateeriyo ooay ku dhinteen 22 ruux.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliiska dalka Bangladesh ayaa sheegay in ay dileen ninkii looga shakisnaa in uu maleegay weer hore oo ka dhacay kafateeriyo ooay ku dhinteen 22 ruux.

_90946213_e90c8c9c-ba80-46f5-93cf-3fa0e4bf5f8b

Arrintaas ayaa dhacday kaddib markii ay booliisku weerareen meel uu gabaad ka dhiganayay oo u dhaw magaalada Dhaka.

Sanwar Hossain oo ah sarkaal sare oo booliis ah ayaa sheegay in uu "dhintay” Tamim Chowdhury oo ah nin Bangaladhesh u dhashay oo haysata dhalashada Canada, kaas oo lagu tuhunsan yahay in uu ka dambeeyay weerarkaas hore.

Saddex ruux oo kale oo looga shakisan yahay in ay malayshiyo yihiin ayaa la dilay intii uu socday hawlgalkii booliska.

Weerarkii ka dhacay makhaayadda Dhaka ku taalla ayaa bilawday 1 bishii todobaad.

Dadkii weerarkaas gaystay ayaa macaamiishii makhaayadda afduub u haystay muddo 12 saac ah, balse booliiska ayaa weerar ku qaaday oo soo badbaadiyay 13 ruux iyaga oo dilay lix ka mid ah dablaydii nololna ku soo qabtan mid kale.

Balse weerarkaas waxaa kale oo ku nafwaayay labaatan ruux oo lahaysteyaashii ah iyo labo ka mid ah booliiska, dhacdadaas ayaana noqotay middii ugu xumayd ee dalkaasi ka dhacda taariikhda wadankaas.

Kooxda isku magacawday Dawladda Islaamka ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaas, balse dawladda ayaa meesha ka saartay waxayna sheegtay in ay ka dambeeyaan malayshiyo Islaamiyiin ah oo dalka gudihiisa ka jirta oo lagu magacaabo Jameecadda Mujaahidiinta ah ee Bangaladhesh oo loo soo gaabiyo (JBM) taas oo la mamnuucay.