Barcelona Oo Shaacisay In Lionel Messi Uu Dhaawac Soo Gaadhay Inkastoo Uu U Duulay Argentina Ka Hor Kulamada Isreebreebka Koobka Adduunka

0
Tuesday August 30, 2016 - 11:38:24 in by Burco Office
  • Visits: 636
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona Oo Shaacisay In Lionel Messi Uu Dhaawac Soo Gaadhay Inkastoo Uu U Duulay Argentina Ka Hor Kulamada Isreebreebka Koobka Adduunka

    Warbixin ay soo saartay kooxda Barcelon ayaa lagu sheegay in baaritaan saaka lagu sameeyay Lionel Messi in lagu ogaado inuu dhaawac ka qabo muruqa bowdada bidix, laakiin uu ciyaaryahanka weli u safrao Argentina si uu ugu biiro xulkiisa qaranka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin ay soo saartay kooxda Barcelon ayaa lagu sheegay in baaritaan saaka lagu sameeyay Lionel Messi in lagu ogaado inuu dhaawac ka qabo muruqa bowdada bidix, laakiin uu ciyaaryahanka weli u safrao Argentina si uu ugu biiro xulkiisa qaranka.


Xulka Argentina ayaa la ciyaaraya kulamada isreebreebka Koobka Adduunka 2018 xulalka Uruguay iyo Venezuela oo ay la ciyaarayaan 1da iyo 6da bisha September, waxaana kooxda Catalan ay sheegtay in Messi uu ciyaaro kulamadaas inay ku xirnaan doonto sida uu dhaawaciisa noqdo.

"Sida baaritaano lagu sameeyay isniinta islamarkaana ay ansixiyeen dhakhaatiirta Barcelona iyo xiriirka kubada cagta Argentina, Leo Messi waxa uu dhaawac ka soo gaaray muruqa bowdada bidix.” ayaa lagu yrii warbixin ay Barcelona soo dhigtay website-keeda.

"Ciyaaryahanka waxa uu u safarayaa Argentina si uu ugu biiro xulkiisa qaranka kulamada isreebreebka Koobka Adduunka ee Uruguay iyo Venezuela, ka qeyb qaadashadiisa kulamadaas waxa ay ku xirnaan doontaa sida uu dhaawaciisa noqdo.”

Leo Messi ayaa ka dib finalkii Copa America waxa uu ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga, laakiin waa uu ka laabtay go’aankaas, waxaana haatan shaki la gelinayaa inuu ciyaari doono kulamada isbuucaan ee Argentina.

Waxaa sidoo kale xulka Argentina dhaawac kaga maqnaanaya weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero kaasoo la sheegay inuu ku dhaawacmay kulankii ay shalayto City ka badisay West Ham.