Pogba, Stones & Sane Oo Hogaaminaya Saxiixyadii Ugu Waaweynaa Ee Ay Xagagan Sameeyeen Kooxaha Premier League-ga

0
Thursday September 01, 2016 - 11:04:47 in by Burco Office
  • Visits: 865
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Pogba, Stones & Sane Oo Hogaaminaya Saxiixyadii Ugu Waaweynaa Ee Ay Xagagan Sameeyeen Kooxaha Premier League-ga

    Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa soo xirmay xalay saq dhexe, inkastoo aysan ka dhicin saxiixyo waaweyn, David Luiz ayaa ka mid noqday ciyaartoyda dib ugu soo guryo noqday gurigooda inkastoo uusan soo galin saxiixyadii ugu waaweynaa ee ay soo bandh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa soo xirmay xalay saq dhexe, inkastoo aysan ka dhicin saxiixyo waaweyn, David Luiz ayaa ka mid noqday ciyaartoyda dib ugu soo guryo noqday gurigooda inkastoo uusan soo galin saxiixyadii ugu waaweynaa ee ay soo bandhigto Sky Sports.


Paul Pogba oo noqday saxiixa ugu qaalisan ayaa hogaaminaya kas oo Old Trafford ku yimid aduun dhan 93.25 Malyan oo pound, xidigaan reer France ayaa sanadkii 2012 isaga tagay kooxda markii uu fursad ka waayay, balse afar sano kadib waxey ku bixisay lacagtii ebid ugu badneyd ciyaartoy lagu iibsado.

Daafaca da’da yar ee Xulka EnglandJohn Stones ayaa noqday xiddiga labaad ee soo gala liiska kaas oo 50 Malyan oo Pound ugu biiray kooxda Manchester City. Pep Guardiola aya kooxdiisa keenay saxiixyo waweyn oo ay ka mid yahiin Ilky Gundogan, Leroy Iyo Claudio Bravo, balse Stones ayaa ugu qaalisan dhamaan ciyaartoydaas.

Leroy Sane ayaa liiska qeyb ka ah kaas oo Schalke 04 kaga soo biiray Manchester City, aduun dhan 37 Malyan ayuuna ku yimid isagoo qalinka ku dugay heshiis shan sano ah.

Sane wali kama soo muuqan kooxdiisa cusub madama uu dhaawac muruqa ah qabay, balse wuxuu fursad heli doonaa hadii loo garto kulanka Manchester Derby.

POGBA 1

Xiddiga Afaraad ee liiskaan soo gala wuxuu noqday saxiixa cusub ee Liverpool Sadio Mane kaas oo 36 Malyan oo Pound ku yimid Anfield Road, kaliya hal malyan ayuu ka jaban yahay Sane. Mane waa mashiinka ugu fiican ee kooxda haatan madama uu si wacan saameyn ugu yeeshay shaxda Klopp.

Granit Xhaka ayaase soo galay booska shanaad markii uu Monchengladbach kaga soo biiray Arsenal, 34 Malyan ayuu ku yimid Emirates. 23-jirkaan heerka caalami waxaa qaabkiisa ka helay Wenger kaas oo ku tilmaamay inuu noqon karo Petit-ka cusub ee Gunners.

Liiska Saxiixyadii Ugu Qaalisanaa Xagaagan EPl-ka

1.Paul Pogba – £93.25m

2. John Stones – £50m

3. Leroy Sane – £37m

4. Sadio Mane – £36m

5. Granit Xhaka – £34m

6. Michy Batshuayi – £33.2m

7. N’Golo Kante – £32m

8. Eric Bailly – £30m

9. Moussa Sissoko – £30m

10. David Luiz – £30m

11. Islam Slimani – £29.7m