Hordhac: Real Madrid v Osasuna – Cristiano Ronaldo Oo Galabta Ciyaaraya Kulankiisii Ugu Horeysay Ee Xilli Ciyaareedka.

0
Saturday September 10, 2016 - 07:21:49 in by Burco Office
  • Visits: 927
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Real Madrid v Osasuna – Cristiano Ronaldo Oo Galabta Ciyaaraya Kulankiisii Ugu Horeysay Ee Xilli Ciyaareedka.

    Kulanka: Real Madrid v Osasuna Garoonka: Santiago Bernabeu Waqtiga: 5pm Saacada Geeska Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Real Madrid v Osasuna Garoonka: Santiago Bernabeu Waqtiga: 5pm Saacada Geeska Afrika


Cristiano Ronaldo ayaa ciyaari doona kulankiisii ugu horeysay tan iyo markii uu dhaawacmay finalkii Euro 2016 marka ay Real Madrid galabta la ciyaareyso kooxda Osasuna kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Weeraryahan Ronaldo oo 31 sanno jir ah ayaa seegay seddexdii kulan ee ugu horeysay ee tartan rasmi ah ee ay Real Madrid xilli ciyaareedkaan ciyaartay isagoo dhaawac ka qabay jilibka.

Waxa uu dhaawacaas soo gaaray markii ay isku dhaceen xiddiga France Dimitri Payet iyadoo Portugal ay 1-0 ku garaacday France finalkii Euro 2016.

"Waan ku faraxsanahay inuu dib inoogu soo laabtay. Kulankaan waa kulankiisii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka, 60 maalmood ka dib kulankiisii ugu danbeysay.” ayuu yiri tababare Zidane.

Real Madrid ayaa dooneysa inay sii wadato guulaha ay ku bilowdeen xilli ciyaareedka cusub ee La Liga marka ay Bernabeu ku martigelinayaan galabta kooxda Osasuna