Ciidamadii Xooga kula Wareegay Xarunta Bankiga Dhexe ee Garowe oo Tabashadoodii la xaliyay

0
Monday September 26, 2016 - 09:41:28 in by Burco Office
  • Visits: 915
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamadii Xooga kula Wareegay Xarunta Bankiga Dhexe ee Garowe oo Tabashadoodii la xaliyay

    Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee xarunta maamulka Puntilnad ayaa sheegaya in xal laga gaaray ciidamadii katirsanaa Sirdoonka Puntiland ee shalay xooga kula wareegay xarunta Bangiga dhaxe ee Garawe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee xarunta maamulka Puntilnad ayaa sheegaya in xal laga gaaray ciidamadii katirsanaa Sirdoonka Puntiland ee shalay xooga kula wareegay xarunta Bangiga dhaxe ee Garawe. Ciidamadan ayaa ka gadooday mushaar la'aan mudo dhoor bilood ah oo soo wajahday, waxa ayna shalay iyaga oo wata gaadiidka dagaalka ay la wareegeen Dhismaga Xarunta Bankiga Dhexe ee Garowe.

Masuuliyiin iyo saraakiil katirsan maamulka Puntiland oo arimtan xalkeeda raadiayay ayaa xalay saqdii dhaxe ku guuleestay in ciidamadaasi ka kaxeeyaan xarunta Bangiga, waxaana loo balan qaaday ciidamadaasi in tabashooda la xalin doono.

Dadka ku dhaqan magaalada Garawe ayey shalay lasoo daristay cabsi xoogan, waxa ayna ka baqayeen in ciidamada xooga ku qabsaday xarunta Bangiga iyo ciidamada kale ee maamulka ay dagaalamaan ayna dhibaato halkaasi ka dhalato.

Ciidamada maamulka Puntiland ayaa dhoor mar gadood sameeyay, kuwaa oo ka careesnaa mushaar la'aan soo wajahday, maamulka Cabdiweli Gaas ayaan awali ku guuleesan in ciidanka Puntiland ay u helana mushaar joogta ah.