Antonio Conte, Claudio Ranieri Iyo Slaven Bilic Oo Hogaaminaya Tababarayaasha Uu Cadaadisku Haysto Ee Shaqadooda Waayi Kara Kadib Lix Kulan Oo Laga Ciyaaray Premier Leaqueg-a

0
Tuesday September 27, 2016 - 05:06:16 in by Burco Office
  • Visits: 980
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Antonio Conte, Claudio Ranieri Iyo Slaven Bilic Oo Hogaaminaya Tababarayaasha Uu Cadaadisku Haysto Ee Shaqadooda Waayi Kara Kadib Lix Kulan Oo Laga Ciyaaray Premier Leaqueg-a

    Marka uu xili ciyaareedku bilaamayo waxaa lagu sii sharatamaa tababarayaasha ugu horeeya ee shaqadooda waayi doona,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka uu xili ciyaareedku bilaamayo waxaa lagu sii sharatamaa tababarayaasha ugu horeeya ee shaqadooda waayi doona,

waxaana haddaba jira liis tababaryaal ah oo cadaadis wayn ku hoos nool iyada oo lix kulan oo kaliya laga ciyaaray kulamada Premier Leaque-ga. Kooxaha horyaalka Ingiriiska ayaan u dulqaadan qaladaadka waa wayn waxayna si deg deg ah u badalaan tababarahooda haddii ay natiijadu caawin waydo.

Waxaa haddaba kulaylka cadaadiska shaqo ka caydhineed ku hoos nool tababarayaal ay ka mid yihiin Slaven Bilic oo ay kooxdiisa West Ham United ku jirto musiibadii ugu waynayd taariikhdeeda , David Moyes oo wali Sunderland la raadinaya guusheedii ugu horaysay, Mark Hughes oo la dhibtoonaya Stoke City laakiin culayska ugu wayn iyo hurda la’aantu nina ay haddaba dishay ayaa ah Antonio Conte oo daawanayay kooxdiisa oo qaybtii hore ee kulankii Emrates dabaysha lagu daray.

premier-leaque-coaches

Antonio Conte ayaa si sheegay in uu hurdo iska waayay markii ay guuldarada wayn kala soo kulmeen Arsenal wuxuuna cadho wayn u qabaa difaacyada kooxdiisa ee ay ugu horeeyaanBranislav Ivanovic iyoGary Cahill, wuxuuna ku ducaysanayaa in uu dib u heloJohn Terry iyada oo David Luiz uu isna u muuqdo in aanu ku raaxaysanayn qorshaha ciyaareed ee Conte.

Chelsea manager Antonio Conte

Antonio Conte ayaa maanka ku haya in mulkiilaha Chelsea eeRoman Abramovich aanu ku daahi doonin in uu albaabka ka saaro haddii Blues qaab ciyaareedka xun wax ka badali doonto, wuxuunaRoman Abramovich si dhaw ula socdaa xaalada aan fiicnayn ee kooxdiisu ku jirto.

Chelsea ayaa kaalinta 8 aad ku jirta waxayna lixdii kulan ee ugu horeeyay ay ka heshay 10 dhibcood iyada oo haddaba 8 dhibcood sare u fiirinaysa kooxda Pep Guardiola ee Manchester City oo aan wali wax guuldaro ah la kulmin tartamada oo dhan. Antonio Conte ayaa kooxdiisa uga digay in haddii ay horumar samayn waydo ay xili ciyaareedkan ku dhamaysan doonto kala badhka miiska kala saraynta Premier Leaque-ga.

 

Claudio Ranieri oo xili ciyaareedkii hore aduunka ka yaabsaday ayay haddaba kooxdiisu ku jirtaa xaalad aad u xun iyada oo 11 dhibcood ka hoosaysa kooxda hogaanka Premier Leaque-ga haysa ee Manchester City, waxayna Foxes ku jirtaa kaalinta 12 aad iyada oo waliba kulankii ugu danbeeyay waji gabax kala kulantay Man United.Claudio Ranieri ayaa culayska wayn dareemaya basle waxaa isaga wali caawinaysa in uu xili ciyaareedkii hore ku guulaystay koobka Premier Leaque-ga.

Claudio Ranieri gives his team instructions

Kooxaha Sunderland, Stoke City iyo West Ham United ayaa ku jira kaalmaha looga hadho Premier Leaque-ga waana sababta David Moyes,Mark Hughes iyoSlaven Bilic ay hadda ugu cad cad yihiin in ay noqon karaa tababarayaasha ugu horeeya ee xili ciyaareedkan shaqadooda ku waayi kara qaab ciyaareedka liita ee kooxahooda.

Stoke City's Mame Biram Diouf comes on as a substitute to replace Stoke City's Wilfried Bony as Charlie Adam and manager Mark Hughes look on

Laakiin wali horyaalka ayaa bilaw ah waxaana la ciyaaray lix kulan oo kaliya waxayna tababarayashani wali haystaan fursad ay ku sixi karaan qaladka ay hadda kooxahoodu ku jiraan balse haddii ay xaaladu sidan ku socoto waxay ku dhamaan kartaa in ay shaqada waayi doonaan.Inkasta oo ay xili ciyaareedkii hore West Ham United muujisay qaab ciyaareed layaableh ayay xili ciyaareedkan ku jirtaa musiibo ay garan laaayihiin sida looga baxo.

West Ham players look dejected as James Ward-Prowse of Southampton scores their third goal